1:19 pm - Saturday June 24, 2017

Oxlade-Chamberlain Oo laga Yaabo inuu seego koobka aduunka,Yaase laga bedeli doonaa? 

Khadar Dirir

 

Alex Oxlade-Chamberlain rajadiisa koobka aduunka ayaa shaki uu ku yimid ka dib  markii xiddiga Arsenal dhaawac ka soo gaadhay Jilibka middig intii lagu guda jiray kulankii saaxiibtinimo ee 2-2 la galeen Ecuador .

Khadka dhexe ee England ayaa la bedeley daqiiqadii 63-aad xili sidoo kalena garoonka laga saarey oo guduud loo taagey Da’yarka Liverpool Raheem Sterling.

Wiilka Arsenal ayaa garoonka laga qaadey markii ay isku dheceen ciyaaryahan Carlos Gruezo oo Ecuador katirsan,iyadoo Oxlade-Chamberlain xili ciyaareedkii dhamaadey xitaa uu kulamo badan ka maqnaa kooxdiisa dhaawac darteed.

Wararku waxay sheegayaan in maanta Chamberlin la saari doono Raajo dhaqaatiirtuna laga dhowri doono inuu ka qeybgeli karo koobka aduunka iyo inuu khaliin u baahnan doono,hadii ay taasi dhacdana waxaa booskiisa u taagan dhaxal sugayaasha kala ah Michael Carrick iyo Tom Cleverley midkood oo labaduba matirsan Manchester United.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

David Villa Oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha heerka caalami 

Robin van Persie Oo dhakhaatiir loo dirayo si loo hubiyo inuu ciyaari karo kulanka Spain Ee K/ Aduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: