goolka-ugu-quruxda-badan

Ciyaartooyo badan oo sugayey in ay ku soo bixi doonaan liiska 10ka ciyaartoy ee ku tartamaya abaalmarinta Puskas Award ee la siiyo ciyaartoyga dhaliya goolka ugu qurux badan sannadka ayaa liiska iska waayey kaddib markii la shaaciyey magacyada toban ciyaartoy oo afar ka mid ah ay ka ciyaaraan horyaalka waddanka Spain.

Tobankan ciyaartoy oo goolal u kala dhaliyey kooxahooda iyo qaramadooda, ayaa waxay ka soo kala jeedaan qaaradaha Afrika, Asia, Yurub iyo Latin America, waxaana laga sii dhex xuli doonaa saddex ciyaartoy, kuwaas oo midkooda ku guuleysta la shaacin doono maalinta la bixinayo abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Magacyada ciyaartooyada iyo wakhtiga ay goolasha dhaliyeen waa sidan:

  1. Mario Gaspar (Spain). November 13, 2015. Wuxuu ka dhaliyey xulka qaranka England ciyaartii Spain.
  2. Neymar (Barcelona). November 8, 2015. La Liga La Liga wuxuu ka dhaliyey Villarreal.
  3. Marlone (Corinthians). April 21, 2016. Copa Liberadores wuxuu ka dhaliyey kooxda Cobresal.
  4. -Hal Robson-Kanú (Wales). July 1, 2016. Euro 2016 wuxuu ka dhaliyey waddanka Belgium.
  5. Daniuska Rodríguez (Venezuela). March 14, 2016. Copa América wuxuu ka dhaliyey xulka ay da’doodu ka hoosayso 17 jirrada ee waddanka Colombia.
  6. Simon Scrabb (Atvidaberg). October 31, 2015. Swedish league wuxuu ka dhaliyey kooxda Gelfie.
  7. Faiz Subri (Pulau Pinang). February 16, 2016. Malaysian league Wuxuu ka dhaliyey kooxda Pahan.
  8. Leo Messi (Argentina). June 21, 2016. Copa América Wuxuu ka dhaliyey waddanka Maraykanka.
  9. -Saúl (Atlético Madrid). April 27, 2016. Champions League Wuxuu ka dhaliyey kooxda Bayern Munich.
  10. Hlompo Kekana (South Africa). March 26, 2016. Africa Cup of Nations Wuxuu ka dhaliyey waddanka Cameroon, ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka.