3:13 am - Sunday June 25, 2017

Yaya Toure: ‘Dadka qaar, Ciyaaryahanada Madowga ahi waxay la yihiin Xayawaan oo Kale…Binu Aadanba Uma Haystaan’

Aidarous

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City iyo xulka Ivory Coast ee Yaya Toure ayaa sheegay in Qaarada Afrika ee uu ka soo jeedo iyo Midabkiisa Madowga ahi ay sabab u yihiin, inaanu kamid noqon xidigaha ugu wanaagsan khadka dhexe ee caalamka.

Yaya Toure 3Toure ayaa shabaqa dhigay 22 gool xili ciyaareedkan, kuwaas oo City ka caawiyay inay hantido Koobka koobabka ‘the League Cup’ isla markaana ku gorgortanto dagaal ba’ana ugu jirto horyaalnimada sanadka.

Laacibka ay isku kooxda yihiin ee Samir Nasri ayaa mar sii horeysay oo uu ka hadlayay Toure tilmaamay inuu kamid noqon lahaa ciyaaryahanada khadka dhexe ugu wanaagsan caalamka haddii aanu ka soo jeedi lahayn qaarada Afrika.
Hadalkaas Nasri oo sida uu u arko la weydiiyey, laacibka 30 jirka ah ee Toure, wuxuu ku jawaabay : ‘Waxay ila tahay hadalka Samir uu yidhi inuu dhab ahaan yahay mid runta ku qotoma.’samir Nasri

Waraysi khaas ah oo ay la yeelatay Idaacada BBC World News qaybteeda diirada kubada cagta la yidhaahdo ‘ Football Focus’ wuxuu Toure ku iftiimiyay inuu dareemayo inuu abaalmarino badan oo qiimo leh helli lahaa laakiin ay ka hor-joogto qaarada uu ka yimid iyo midabkiisu.

Yaya Toure 1Toure ayaa afar wadan horyaaladood kooxo kula guulaystay -kuwaas oo ay kamid yihiin- Ivory Coast, Greece, Spain iyo wadanka England -isla markaana qayb ka ahaa kooxdii Barcelona ee Horyaalka Yurub qaaday sanadii 2009.

Yaya Toure 2‘Markaan daacad u hadlayno- Aqoonsiga dhabta ahi wuxuu ka yimaadaa taageerayaasha,’ ayuu yidhi xidigan 3-da goor loo aqoonsaday ciyaaryahanka qaarada Afrika ee sanadka. ‘Ma doonayo inaan u muuqdo qof ad-adag, mana doonayo inaan noqdo qof cid ku lid ah laakiin waxaan rabaa inaan si daacad ah u hadlo.’

Toure ayaa sidoo kale dareemaya in warbaahintu ka xigliso ciyaaryahanada Afrikaan-ka ah.
‘Haddaan si fiican u ciyaarno iyo haddii aanaan u ciyaarinba, wax tixgalin ah kama helno warbaahinta, mana gaadhno heerkii aanu rabnay inaan gaadhno ,’ ayuu yidhi.

‘Dadku waxay u haystaan dadka Africa ka yimid sidii xayawaanka oo kale.’

Yaya Toure 4Guntii iyo Gunaanadkii , Yaya Toure wuxuu si weyn ugu nuux nuuxsaday sida uu ugu faraxsan yahay qaarada uu ka soo Jeedo iyo Midabkiisaba , isla markaana aanay jirin cuqdad uu ka qabo , ee uu ku faanayo , isagoo arintaas carabka ku adkaynayana, waxa kamid ahaa hadalada Yahye..”‘I am very proud to be African, I want to defend African people and I want to show to the world that African players can be as good as the Europeans and South Americans.’

Oo Macneheedu noqonayo ” Waxaan aad ugu faraxsanahay uguna faanayaa inaan ahay African, waxaad doonayaa inaan difaaco dadka Afrika, dunidana waxaan rabaa inaan tuso in ciyaaryahanada Afrikaanka ahi ay noqon karaan kuwo u fiican sida ciyaaryahanada qaaradaha Yurub iyo Laatiin Amerika.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mourinho Oo Si Xishood Ku Jiro Uga Hadlay Guuldaradii Sunderland

Paris-Saint Germain Oo Ku Guulaysatay Koobka Koobabka Faransiiska ‘Coupe de la Ligue’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: