3:03 pm - Saturday August 23, 5558

11 ilbidhiqsi, 8 taabasho, iyo 1 Gool oo yaab leh: Mala Odhan Karaa Waa Dhamaadkii Tiki Taka

Aidarous

Pep Guardiola ayaa u muuqday nin seexday igasoo haysta Messi laakiin soo hambabaray tiiyoo uu la joogo Mandzukic habeenkii xallay. La yaab malaha kadib markii 5-0 aggregate-ka ay kaga badisay Real Madrid oo wakhtigan aynu odhan karno waxay muujisay inay tahay kooxda ugu awooda badan dunida wakhti xaadirkan, waxaanay beenisay oo meesha ka saartay fashilka hanaanka tiki-taka – inaanu sii socon karin mudo dheer.

Bayern Munich waxa tuntay Real Madrid laakiin sababtu ma ahayn kubada tuuryada ku dhisan ( counter-attacking) inay ka wanaagsan tahay kubad haysashada badan (possession) laakiin sababtu waxa weeye Real ayaa ah koox dhisme ahaan ugu fiican caalamka wakhti xaadirkan, Bayerna waxay la fahmi waayeen nidaamka Guardiola uu doonayo inay metelaan marka ugu horeysa ee ciyaartu bilaabato.

The End Of tiki taka.Tusaale yar oo kooban : Real waxay muujinaysay degenaan aad u saraysa si ay u jebiyaan niyada kuwa ka soo horjeeda. habkaasi wuxuu u saamaxayay inuu shidaal u noqdo afka hore ee orodka badan oo ay hogaaminayaan Cristiano Ronaldo, Gareth Bale , Di Maria iyo Karim Benzema oo aan kala dhicin.

Halka Bayern ay isku dayaysay inay ku ciyaarto nidaamka Barcelona , isla markaana uu sal iyo laf dhabar u noqdo nimaadkaasi Mario Mandzukic. Kaasi oo lumiyey doorkii uu kulahaa ciyaarta, in doorkiisii meesha ka baxayna waxa si cad loo arkayay markii uu ogolaaday Sergio Ramos inuu hello fursadii uu goolka labaad ku dhaliyeyand.

Hadaba Mushkiladu maaha qaab ciyaareedka, ee waa ciyaaryahanada.

Bayern malaha ciyaaryahanadii sida ugu fiican u jili lahaa qaab ciyaareedka uu doonayo tababare Guardiola.

u fiirso sanadka dambe, xaalku sidan waa ka duwanaanayaa marka uu laf dhabarta u soo kaco Robert Lewandowski ee ay khadka dhexe wada daadihiyaan wiilka Barcelona ku soo barbaaray ee Thiago Alcantara oo ka dhaawacani, waa haddii uu sii joogo Pep.
Philipp Lahm wuu ku guulaysan waayay inuu metelo ama buuxiyo doorka Sergi Busquets , waayo xallay meeshaba kama muuqan oo lama arkayn, Ribery qaab ciyaareedkani wuu bah dilay siduu inoo cadeeyey , halyeygii hore ee khadka dhexe Munich shidan jiray waayo waayo ‘ Effenberg.

Inta xaalku sidan yahay , waxa la gudboon Guardiola inuu u fasaxo xidigaha Bayern inay ciyaaraan , qaab ciyaareedkoodii ay ku qaadeen Champions League sanadkii hore ee degdega iyo kubadaha xoogan ee lagu ganno goolku saldhiga u ahaa.
Barcelona waxay sanado dunida ku haysatay ma ahayn kaliya qaab ciyaareedka baaska degdega ah , laakiin wuxuu ahaa , waxay haysteen ciyaaryahano la jaan qaadi kara hanaankaas.

Wakhti xaadirkana Real Madrid ayaa u muuqata mid la wareegtay hogaankii naadiyada kubada cagta dunida , maxaa yeelay waxay haystaan xidigihi kubadaha tuuryada iyo dheeraynta u baahan sideeda u meel marin lahaa una maarayn lahaa.
Waa nidaam ku qurux badan daawashada laakiin guuldaraystay, wali kama dhawa Barcelona inay wax kale ku bedesho , waase laga yaabaa in Bayern ka fikirto bedelkiisa, ‘dhiib oo dhaqaaq’ ama Tiki-taka wali ma dhiman, ee way suurtay , waxaana loo baahan doonaa cid guriga madow ka soo toosisa .

Cidina dib u daawan mayso inta ay lafteedu ka soo horjeedo inay dib u milicsato , sideedii ilbidhiqsi , 11 kii kubadood ee la isu taabtay ee uu aakhirkii shabaqa ku shubay Ronaldo ciyaartii caanka noqotay ee Allianz.

Caydaruus Sheekh Cumar
www.cadalool.com
Hargeisa, Somaliland

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Franck Ribery Oo Dhirbaaxay Daniel Carvajal Kulankii Khal-khalku Ku Dhacay Bayern Ee Champions League

Atletico Madrid Oo Dhulka la dhacday Chelsea Una Gudubtay Finelka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: