6:46 pm - Monday August 21, 2017

11-kii dhacdo Ee ugu Waa weynaa Inta uu Socdo Koobka Adduunka & fal celinta Bogga  Twitter-ka

Khadar Dirir

 

 Dalka Brazil oo sannadkan ah marti geliyaha xumada Koobka Adduunka ayaa noqday dalkii ugu badnaa ee fal celinta ugu tirada badan ka celay inta uu socda tartankan barta xidhiiidhka bulshada ee Twitter-ka, Brazil ayaa shiiqisay guuldaradii Koobka Adduunka ka soo qabsatay England oo badinayay inay noqon doonta dhacdada ugu shidan markii la eego Twitter-ka.

Kulankii Brazil vs. Croatia ayaa noqday midkii ugu badnaa ee dad weynaha kaga soo fal celiyeen barta xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka, waxaan fal celin ka bixiyay ku dhawaad dad tiradoodu gaadheyso (12.2 million).

Haddaba bal eeg liiska 11-kii dhacdo ee ugu waa weynaa inta uu socdo Koobka adduunka ee 2014 & tirada fal celinta Twitter ka dhiibatay dhacdo walba oo ka mid ah 11-kaas dhacdo.

1. Marcelo goolkii uu iska dhaliyay kulankii Brazil iyo Croatia (378,085)

2. Goolkii maraykanka qarka u saaray inay sii xaqiijiso wareega 16-ka ee uu dhaliyay Clint Dempsey kulankii USA iyo Portugal (305,000)

3. Neymar goolkiisii kowaad uu ka dhaliyay kulankii Brazil iyo Croatia (280,265)

5. Oscar goolkii saddexaad ee uu dhaliyay kulankii Brazil iyo Croatia (256,953)

6. Goolkii Spain ka reebay KA2014 ee uu Chile u dhaliyay Charles Aranguiz kulankii Spain iyo Chile (245,766)

7. Goolhayaha Mexico Guillermo Ochoa kubaddii uu ka badbaadiyay Thiago Silva kulankii Brazil iyo Mexico (243,379)

8. Lionel Messi goolkii uu ka dhaliyay Bosnia & Herzegovina kulankii Argentina iyo Bosnia (236,174)

9. Goolkii uu Daniel Sturridge ku barbareeyay Italy kulankii England iyo Talyaaniga  (219,637)

10. Luis Suarez goolkii labaad uu ka dhaliyay England kulankii Uruguay iyo  England (214,246)

11. Saddexleydii uu Thomas Muller ka dhaliyay Portugal kulankii Germany iyo Portugal (211,965)

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
2/5 - 1
You need login to vote.

Alonso Oo Diiday Inuu Ka Fadhiisto Ciyaaraha Caalamiga Ah

Madaxweynaha Ivory Coast oo laba jibaaray Abaal-gudkii lacageed Ee uu u Ballan qaaday ciyaartoydiisa haddii ay badiyaan Kulanka Caawa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: