12:07 pm - Tuesday May 30, 2017

13 Jir Qabsaday Waddanka UK

Abdiwahab Ahmed

celtic

Sidii la rajaynayey, Lionel Messi iyo Freddy Adu boodhka ayuu ku qasay, isaga ayaana Isniintii la wareegay ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee u safta koox weyn. Karamoko Kader Dembele waxa Isniintii uu garoonka soo galay isagoo ku lebbisan funaanadda kooxda Celtic daqiiqaddii 81aad, iyadoo ay da’diisu tahay 13 jir.

Waxa uu u ciyaaray ciyaartooyada kooxda ee ay da’doodu tahay 20 jirrada, guul ayaanu kula damaashaaday ciyaar ka dhacday Magaalada Glasgow.

Karamako Kader Dembele oo ay walaalo yihiin Moussa Dembele waxa uu leeyahay hibo ciyaareed, nasiibka ayaana siiyey in lagu daro kooxda da’doodu tahay 20 jirrada, kaddib markii ciyaartoygii kooxda intooda badan looga yeedhay qaramadooda.

Dadka ciyaaraha ayaa la yaabay markii ay warqadda lagu gudbiyo magacyada ciyaartoyga safanaya ku dhex arkeen Dembele, markii dambena ammaan ayuu ku mutaystay tababare Tommy McIntyre in uu u ogolaaday ciiyaartoygan yar in uu helo wakhti uu dadka isku tuso oo uu garoonka ku soo galo.

 

Baraha bulshadu ku xidhiidho ayaa si weyn loogu faalleeyey ciyaartoygan oo lagu tilmaamay in uu hayo dariiq wanaagsan oo uu ku samayn doono taariikh kubadda cagta ah.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
roberto-di-matteo

Aston Villa Oo Caydhisay Tabbobare Roberto di Matteo 124 Cisho Kadib Xil La Wareegistiisii

Zidane: Wakhti Adag Ayaanu Ku Jirnaa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com