17 Jir Baahiyey Inuu Walxaha Qarxa La Soo Gallayo Camp Nou Oo La Qabtay

Ciidamada booliska wadanka Spain ayaa gacanta ku dhigay wiil 17 jir ah oo ku hanjabay inuu qorshaynayo inuu Walxaha qarxa la gallo ciyaarta Finalka Copa del Rey ee ku dhex mari doonta kooxaha Barcelona iyo Athletic garoonka Camp Nou bisha dambe.camp nou 17 yrs

Wiilkan dhalinyarada ah oo ka soo jeeda magaalada Molina de Segura ee gobolka Murcia, ayaa ku baahiyey baraha bulshadu ku kulanto qaarkood qoraal uu ku qiranayo “inuu bambo ku qarxinayo” maalinta ciyaartaasi socoto garoonka oo ah bisha May 30 keeda.

“Ciidamada Booliiska wadanku waxay xabsiga dhigeen wiil da’yar oo ku hanjabay inuu soo weerari doono geggida Camp Nou ciyaarta finalka Copa del Rey,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed Khamiistii Booliska Spain soo saareen.

“Qofka sidan ku hanjabay oo 17 jir ahi, wuxuu baraha bulshada ku baahiyey dhawr qoraal oo kala duwan oo ku wajahan ciyaaro dhacaya , kuwaas oo mid ka mid ah, uu ku doodayo inuu diyaarinayay isku xidhka walxaha qarxa maalinta ciyaarta Finalku socoto.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luke Shaw Oo Hoggaaminaya Difaacyada Baallaha Ee Dunida Ugu Qaalisan

Wenger: Si Gaar Ah Umaan Cannaanan Ozil

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com