11:35 pm - Sunday July 23, 2017

4 Saaxiibo ah oo Masaafo 1,200 Mile ( 1966 km ) ah u soo lugeeyey Koobka Aduunka

Aidarous

Iyadoo dad badani isugu ururayaan wadanka Brazil, waxaa jira afar qof oo 1,200 mile ( 1966 km ) oo lug ah u soo safray si ay u gaadhaan tartanku meesha uu ka dhacayo, rafaadka iyo dhibta intaas leeg ee ay u soo badheedheen ayaan ahayn kaliya inay u daawasho tagaan koobka aduunka.

Kooxdan afarta ah oo u dhalatay wadanka Britain, oo safar lug ah kaga soo bilaabay magaalada Mendoza ee wadanka Argentina horaantii bishii March ee sanadkan, ayaa ujeedadoodu ahayd sidii ay ku ururin lahaayeen lacag tabarucaad ah oo dhan $30,000, si ay ugu dhisaan berked biyood magaalada Bahia, oo ku taala gobol dhinac bariga ah oo wadanka Brazil ah, taas oo ay haleeshay abaar ba’ani.

Afarta nin ee soo lugeeyeyMid ka mid ah saaxiibadan soo lugeeyey oo lagu magacaabo, Ben Olsen, ayaa ku yidhi jariirada The Guardian,sidan:- “[Bahia] waxay la ildaran tahay abaartii ugu xumayd ee mudo dheer soo marta, iyadoo biyihiina gabaabsi ku yihiin, taas oo sababtay dhimashada malaayiin lo’ ah, dalagii ay ku xidhnayd nolosha 10 million oo qof oo baaqday midhihii u soo go’i lahaana meesha ka baxeen, noloshoodiina ay saamaysay.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Messi: Argentina Horumarka Wey Sii Kordhin Kartaa

Germany Oo Portuqal Ku Kala Jartay Isla Garoonkii Spain Lagu Xasuuqay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: