40 Qof Oo Dhaawacmay Barxad Magaalada Turin Ku Taala Oo Lagu Daawanayay Finalkii Champions League Baqdin Argagixiso Darteed

Buuq iyo is-jiidh-jiidh dhacay oo ka dhashay cabsi qarax bam-baano been abuur ah oo ka dhacay garoon magaalada Turin ku yaala oo lagu daawanayay ciyaartii finalka Champions Leageu ayaa sababay dhaawaca dad gaadhaya 40 ruux.

Taageerayaasha naadiga Juventus ayaa soo buuxiyey barxada Piazza San Carlo ee badhtamaha magaalada, si ay u daawadaan ciyaarta finalka Champions League oo kooxdoodu kaga hortagaysay Real Madrid, markii uu yeedhay dhawaaqa qarax Bam wax u eg – markaas oo qof kastaa argagaxii ku yimid darteed booday oo la is jiidhay.

Sawirada iyo muuqaalada Fiidiyooyada laga baahiyey ayaa muujinayay isla markii qayladu yeedhay, iyo taageerayaashii oo isdul rafanaya, qaarkoodna yaaceen jidadka waaweyn ee magaalada Turin.


Daawo sawirada Iyo Muuqaaladii Argagaxa lahaa ee Laga Qaaday