12:15 pm - Tuesday May 30, 2017

8 Arrimood oo ku saabsan Afrikaanka ka ciyaara Horyaalka Ingiriiska

Abdiwahab Ahmed
Sadio Mane ayaa Liverpool ugu soo wareegay 45 milyan oo doolar, isaga oo noqday ciyaaryahanka Afrikaanka ah ee ugu qaalisan
Horayaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyay 25-ka ciyaartooy ee rasmiga ah ee koox kaste u safan doona xilli ciyaareedkan 2016/17.

Weriyaha BBC Stanley Kwenda ayaa eegaya todoba arrimood oo ku saabsan ciyaaryahanada Afrikaanka ah ee ka ciyaara horyaalka Ingiriiska.

Grey line

Boqolkiiba sagaal

46 ciyaartooy oo Afrikaan ah ayaa ka dheelaya horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan, boqolkiiba hal ayayna sare u keceen marka loo eego xilli ciyaareedkii hore.

Taasi waxay ka dhigantahay ku dhawaad 9% marka loo eego guud ahaan 500 ee ciyaartooy.

Grey line

Meelkasta way joogaan

Koox kaste oo ka ciyaarta horyaalka waxaa jooga ciyaaryahan Afrikaan ah

Grey line

Reer Senegal

Senegal ayaa ah dalka ciyaaryahanada ugu badan ay ka joogaan horyaalka iyaga oo sideed ruux ay ka socdaan, waxaa ku soo xiga dalka Ivory Coast oo lix ciyaartoy ay ka socdaan, Nigeria oo shan ah, Algeria oo afar ah, dalka Ghana-na saddex ayaa ka timid.

Cheikhou KouyateCheikhou Kouyate oo ah kabtanka Senegal wuxuu u ciyaaraa kooxda West Ham

Qaaradu waxay yeelan kartaaba ciyaaryahana samaynkara kudhawaad hal koox oo dhamaystiran, waxay leedahay ciyaaryahanno isu miisaaman oo baaleyaasha ka ciyaara, kuwo weerar yahanno ah iyo difaac:

Cheikhou Kouyate (West Ham United)

Diafra Sakho (West Ham United)

Pape Souare (Crystal Palace)

Idrissa Gana (Everton)

Oumar Niasse (Everton)

Sadio Mane (Liverpool)

Mame Biram Diouf (Stoke City)

Papi Djilobodji (Sunderland)

Waxayse u baahan yihiin goolhaye

Grey line

Gool haye

Arrinta layaabka leh ayaa ah in 45-ta ciyaartoy ee Afrika ka socota aanu mid koodna gool haye ahayn. Waase haddii aadan rabin in aad xisaabsato Steve Mandanda, oo ah ciyaaryahan ku dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo gool haye u ah Crystal Palace balse u safta qaranka dalka Faransiiska.

Grey line

Leicester 5 – Sunderland 5

Leicester City's Ahmed MusaAhmed Musa ayaa sii xoojiyay sida ay ciyaaryahanada Afrikaanka ah uga dhex muuqdaan kooxda Leicester City
Andre AyewAndre Ayew oo reer Ghana ah ayaa ku biiray West Ham isaga laga soo iibsaday Swansea City xagaagan

Kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City iyo Sunderland ayay u ciyaaraan laacibiinta ugu badan ee qaaradda Afrika ka soo jeeda iyada oo koox kasta ay shan ciyaartooy haysato.

Everton, Watford iyo West Ham United ayaa ku soo xiga oo min afar ciyaartoy haysta.

Sunderland ayaa qani ku ah taariikhda ciyaaryahanada Afrikaanka ah, waxaana soo maray Patrick Mboma, oo reer Cameroon ah, Asamoah Gyan iyo John Mensah oo reer Ghana ah, Benjani Mwaruwari oo reer Zimbabwe ah iyo Talal El Karkouri oo reer Morocco ah.

Sanadkii hore Crystal Palace ayay u ciyaarayeen ciyaaryahanada ugu badan ee Afrikaan ah iyada oo ay shan ciyaartoy u safteen, laakiin hadda saddex ayaa ka soo hadhay.

Grey line

Laba ku cusub horyaalka.

Dalalka Equatorial Guinea iyo Liibiya ayaa markii u horaysay ciyaartoy ku yeeshay horyaalka ingiriiska xilli ciyaareedkan.

Labadooda ciyaartoyna waxay kala yihiin Emilio Nsue oo ka tirsan naadiga Middlesbrough iyo Sadik El Fitouri oo Manchester United u ciyaara.

Grey line

Difaac qiimo badan ku fadhiya

Eric Bailly iyo Zlatan IbrahimovicEric Bailly oo reer Manchester United ah iyo ciyaaryahanka iyo ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Zlatan Ibrahimovic

Ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara ee Eric Bailly ayaa ka mid ah ciyaaryahanda Afrikaanka ah ee ugu magaca wayn ee ku soo biiray Premier League.

40-ka milyan ee doolar ee laga soo bixiyay ayaana ka dhigaysa mid ka mid ah difaacyada ugu qaalisan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Halista Haasaawaha: Ciyaartoy Gabadh U Sheekaysay Oo Halis Ku Galay Ingiriiska

RASMI: Kabtan Wayne Rooney Oo Noqday Ciyaartoyga Ugu Safashadda Baddan Qaranka England

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com