Abou Diaby Oo Markale Dhaawacmay Kana Baaqanaya Kulanka Newcastle

Tababaraha kooxda Arsenal , Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday Jimcihii maanta in ciyaaryahan Abou Diaby uu markale dhaawacmay , u safashadii kooxda Gunners uu u safan lahaana uu ku yimid dib u dhac kale.

Naadiga Arsenal ayaa soo dhigay bogga ay ku leeyihiin shabakada arimaha Bulshada ee Twitter, hadal ay ka soo xigteen tababare Wenger maanta.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka maqnaan doona dhaawac dartii kooxda Arsenal kulanka Isniinta ee ay la ciyaarayaan Newcastle.

Wenger oo ka hadlaya arinta Diaby ayaa wuxuu yidhi: “Waxa la soo gudboonaaday dhaawac kuraanta ah kadib ciyaartii uu u saftay kooxda Arsenal ee ka yar 21 jirka, sidaas darteed suuro gal noqon mayso inuu safto ciyaarta Isniinta”