AC Milan Iyo Napoli Oo U Tartamaya Tababare Klopp

Klopp1

Kooxaha Talyaaniga ah ee AC Milan iyo Napoli ayaa tartan u gelaya in ay helaan tababaraha khabiirka ah ee Jurden Klopp kaas oo Arbacadii ku dhawaaqay in uu ka tegayo Borussia Dortmund dhamaadka xili ciyaareedkan.

Tababare Klopp oo loo saadaalinayo in uu tegi doono kooxda Manchester City oo la filayo in dhamaadka xili-ciyaareedka ay erido Manuel Pellegrini ayaa waxa kale oo loollankiisa ku soo biirtay AC Milan oo ay haysato dhibaato dhanka tababareyaasha ah iyo waliba mid dhaqaale xumo.

AC Milan ayey u badan tahay in ay shaqada ka erido Philippo Inzaghi kadib markii uu ku guul darraystay in uu kooxda meel sare keeno. Sidoo kale, Napoli ayaa la filayaa in uu ka tago tababare Benitez kaas oo warar hoose ay sheegayaan in uu tegi doono Premier League ama La Liga.

Inkasta oo wararkani ay yihiin xan ay qoreen warbaahinta ciyaaraha ee aadka loo tixgeliyo, haddana lama oga mustaqbalka halka uu saldhigi doono tababare Klopp.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ancelotti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa, Casillas, Navas, AC Milan iyo Berlusconi

Phil Jones, Carrick, Blind Iyo Rojo Oo Ka Maqnaanaya Kulanka Man United v Chelsea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com