AC Milan Oo Dib Ugu Soo Noqotay Suuqyada Iyo Ciyaartooyo Ay Rabto

BaccaKooxda AC Milan oo beryahanba la daalaa dhacaysay dhaqaale xumo ayaa dib ugu soo laabanaysa seyladda ciyaartooyada, waxaana la sheegay in ay dooneyso xiddiga weerarka uga ciyaara Sevilla ee Carlos Bacca.

Sida uu qoray wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain, AC Milan ayaa diyaar u ah in ay iibsato weeraryahankan oo u dhashay wadanka Colombia, kaas oo la aaminsan yahay in kooxdiisa Sevilla ay ku iibinayso lacag dhan €30 milyan.

Carlos Bacca ayaa ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan ee ka ciyaara qaaradda Yurub, iyadoo marka ay iska garab ciyaarayaan Kevin Gameiro ay Sevilla siiyaan niyad iyo kalsooni ay ku filan karto guul.

Kooxo badan oo ka dhisan Yurub oo ay ugu horreeyaan kuwa England ayaa xiisaynaya weeraryahankan, sidoo kale Atletico Madrid ayaa la aaminsan yahay in ay dooneyso wada hadal ay la furto Sevilla oo ay kaga iibsato ciyaartoygan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xiggaha Dhaawaca iyo Ganaaxa Kaga Maqnaanaya Champions League toddobaadkan

Pique Oo Sheegay In Drogba, Messi Iyo Ronaldo Ay Ugu Fiican Yihiin Raggii Uu La Kulmay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com