AC Milan Oo Doonaysa Laacibka Udub-dhexaad U Ah Arsenal

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa doonaysa inay gacanta ku dhigto laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Aaron Ramsey oo uu sii dhamaanayo qandaraaska uu kula jiro Gunners.

27 jirka reer Wales oo saamayn badan ku lahaa Arsenal tan iyo sannadkii 2008 oo uu kaga soo biiray Cardiff City, ayaa waxa uu guud ahaan u ciyaaray 333 ciyaarood oo uu ka caawiyey saddex koob oo FA Cup ah, hase yee waxa uu ka warwareegayaa inuu qalinka ku duugo heshiis cusub maadaama uu qandaraaskiisa uu kula jiro Arsenal uu dhamaanayo badhtamaha sannadka dambe ee 2019.

Gudaha Arsenal waxa jira walaac sii kordhaya oo ah in Ramsey uu si xor ah uga tago marka uu wakhtigiisu dhamaado, waxaana jira dedaallo badan oo lagu qancinayo inuu saxeexo heshiis wakhti dheer kusii haynaya Emirates.

Cabsida Arsenal ayaa waxay sii korodhay markii uu Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK uu baahiyey in naadiga Talyaaniga ah ee AC Milan ay u dhowdahay inay heshiis isfaham ah la gaadho, isla markaana ay suurtogal tahay inuu heshiis xor ah u saxeexo bisha January.

Dhinaca kale, Ramsey ayaa la wariyey inuu doonayo inuu ka tago Arsenal oo uu ka ciyaaro horyaalka Talyaaniga, gaar ahaan AC Milan oo uu rabo inuu la shaqeeyo tababare Gennaro Gattuso iyo xiddigaha Bonaventura, Lucas Biglia iyo Franck Kesse.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.