Ac Milan Oo Karbaashtay Inter Kulankii Darbiga Talyaaniga

kooxda AC Milana ayay soo noolaatay rajadeedii ka qayb galka Horyaalka labaad ee Yurub ee Europa League kadib markii ay 1-0 kaga guulaysatay kooxda ficiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Inter Kulankii adkaa ee Derby della Madonnina.

Laacibka qaranka Holland ee De Jong kubad uu madaxa ugu dhaliyay ayaa u horseeday Milan guushan qiimaha ugu fadhiday.

Ac Milan ayay guushani soo gaadh siisay kaalinta 8 aad , kaalinta 7-aadna gool dheeri ay kaga haysaa Parma , waxaanay labaduba leeyihiin min 54 dhibcood.

Inter oo dagaal ugu jirtay kaalinta 4 aad , ayaanay u suurto gallin inay dhaafto Fiorentina oo iyadoo ciyaar baaqi ah u taalo wali ka saraysa Inter 4 dhibcood.