Adidas Oo Lagu Eedeeyay Inay Sabab U Ahayd Jabkii Chelsea ee Kulankii PSG

Shirkadda samaysa qalabka ciyaaraha ee Adidas ayaa la kulantay eedayn ba’an iyo shaki ay ka muujiyeen taageereyaasha kooxda Chelsea, in ay shirkaddu qayb ka ahayd guul darradii kooxdaas ka soo gaadhay kulankii Champions League ee 3-1 ay PSG ugu awoodda sheegatay.

Shirkadda Adidas oo samaysa caagga madow ee uu madaxa ku xidho Petr Ceck, goolhayaha Chelsea oo tan iyo markii uu dhaawacu ka soo gaadhay madaxa isticmaalayay caagaas ayaa la sheegay in aanay xaaladdiisa araggu fiicnayn kulankaas, iyadoo sabab looga dhigay caaggaas uu madaxa ku xidhnaa.

Wargeyska Metro ayaa wuxuu qoray ciyaartaas kadib in Petr Cech aanu arkayninba markii ay soo socotay kubad uu soo laagay Pastor, taas oo si fudud u gashay shabaqa Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee lagu eedeeyo shirkadda Adidas in caagaas ay samaysay uu sabab u noqday guul-darro soo gaadhay Chelsea, laakiin waxa uu warkani abuurayaa in la sameeyo hubsiimo iyo baadhitaan dheeraad ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadhay Ganaaxa Barcelona Laga Saaray Sayladdaha Iibka Ciyaartoyga

Kooxda Chelsea Oo wadda isku daygii igu dambeeyey Ee lagu fasixi lahaa Torres

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com