Faah-faahin Dheeraada: Kooxdii Doonidu Kula Qara-qantay Haro ku taala dalka Ugaandha + Sawirro

Doon siday koox kubbada cagta ah iyo taageerayaasheeda ayaa ku quustay haro ku taala dalka Ugandha ee qaaradda Afrika.

Ugu yaraan 9-ruux ayaa dhimmatay halka 21-kalena la la’yahay kadib Doon siday koox kubbada cagta iyo weliba taageerayaasheeda oo ku degtay haro ku taal Galbeedka Uganda oo lagu magacaabo Lake Albert.

45-ruux ayaa lagu saarnaa Doonidan yar, 15-baa soo bad-baaday, halka laga baqdi qabo inay dhimmashadu gaadho ilaa soddomeeyo. Kooxda ka timid xaafada Kaweibanda ee degmadda Buliisa ayaa u socotay inay ka qeyb qaataan kulan saaxiibtinimo oo ay ku soo ciyaari lahaayeen Runga ee ku taala Hoima.

John Rutagira, ee ah Taliye ciidanka Booliska ah ayaa sheegay in xamuulka laga badiyay doonida ay sabab u ahayd inay quusto maadaama biyaha ay ahaayeen kuwa degan “Xamuulka ayay ka badiyeen, Inta baddan Rakaabku hal dhinac ayay doonida uga fadhiisteen, taas oo ka dhalatay inuu lumay isku dheeli tirnaantii” goob jooge ayaa sidaa u sheegay Booliska.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Warbixin: Cristiano Ronaldo 9 Abaal-marrin ayuu ku Guuleystay Sannadkan dhammaanaya ee 2016..!

Tottenham Oo Wakhti Dambe Garaacday Southampton Iyo Kane Oo Khasaariyey Rikoodhe

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com