8:58 am - Monday May 29, 2017

Agaasime Dhabeeye: “Ciyaaraha Gobolada Yaan La Siyaasadeyn, Masuul Kasta Goboladu Ha U Sinnaado Inta Ciyaaruhu Socdaan”

Samatar Mohamed

dhabee

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa ku baaqay inaan ciyaaraha gobolada Somaliland ee dhammaadka bisha dambe qabsoomi doona aan la siyaasadeyn, isaga oo baaqiisan si cad ugu dirray xukuumadda, axsaabta siyaasadda, ganacsatadda iyo bulshadda reer Somaliland.

Agaasime Maxamed Dhabeeye ayaa baaqiisan soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxaana uu qoraalkiisani u dhignaa sidan: Shir jaraa’id oo aanu Maanta {Shalay} ku qabanay xarunta wasaaradda, ayaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane waxa uu ku shaaciyey in bisha October 27-keeda uu qabsoomi doono tartamadda kala duwan ee ciyaaraha gobollada Somaliland ee kubbadaha cagta, koleyga iyo ciyaaraha fudud.

Faham-darro baddan oo nagaga iman jiray bulshadda qaar, kuwaas oo dhaliil ahaan u dhigi jiray “Maxay wasaaradda ciyaaruhu u dhammeystari la’ dahay qeybtii labaad ee ciyaaraha gobolada”. Laakiin waxaanay fahamsaneyn in tartankaas 2015-kii ka qabsoomay magaalooyinka Borama iyo Burco oo ahaa kubadda cagta oo keliya, uu ahaa mid ay goboladu u ciyaareen qaab isreeb-reeb ah, kaas oo loogu soo gudbayey tartanka rasmiga ah ee kubadda cagta ee aanu maanta ku dhawaaqnay.

Tartankani waxa uu noqon doona mid ka duwan tartamadii hore dalka looga qabtay, marka loo eego garoomada kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud ee Hargeysa Stadium iyo sidoo kale garoonka kubadda koleyga ee Tima-cadde oo dayactir heer sarre ah lagu sameeyay. Waxaanan rajeynaynaa inuu tartankani inoo noqdo Qaran ahaan mid aynu horumarka iyo awoodeena ciyaaraha xidhiidhada ciyaaraha dunida iyo caalamka kaleba ku soo jiidano.

Waxaan sidoo kale baaq u diraya xukuumadda, axsaabta mucaaradka ah, ganacstadda iyo bulsho weynta reer Somaliland “Ciyaaruhu siyaasadda way ka fog yihiin, Qabyaaladdana is-maba-gayaan, cunfi iyo in midabo kale oo ujeedooyin ku lammaan yihiina shuqul kuma laha, ee yaan la Siyaasadeyn, oo yaan la Qabyaaladeyn, sifooyin kale oo Xaaraan ka ah ciyaarahana dhallinyarta la tusin ”.

“Waxaan intaas raacinayaa marka goboladu yimaadaan caasimadda, yaan Casuumaddaha loo fidinayo ciyaartoydu noqon in cid kastaaba ay casuumto ama garab istaagto gobolka uu ka soo jeedo. Bulsha weynta caasimaddana waxaan ugu baaqayaa inay si isku mid ah u qaabilaan una soo dhaweeyaan gobolada kala duwan ee ka qeyb-galaya tartanka ciyaaraha goboladda”.

 

Wa Billahi Tawfiiq.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

BASKII Kooxda Manchester United Oo Xalay Shil Ku Galay Garoonka Feyenoord

Liverpool Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhufatay Chelsea Iyo Damaashaadkii Klopp Ee Shiiqiyey Conte

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com