Aguaro oo amakaag Ku Riday Taageere Man City Ah oo uu Gurigiisa ku booqday – Shaqona Ugu Bushaareeyey

Aguaro oo albaabka ku garaacay Kenny si uu ugu bushaareeyo shaqada uu Hellay
Aguaro oo albaabka ku garaacay Kenny si uu ugu bushaareeyo shaqada uu Hellay

Maxaad Samayn Lahayd ! Haddii Ciyaaryahan Caan Ahi Gurigaaga Kuugu Soo Gallo – Inaad Shaqo Ka Heshay Naadiga Aad Taageertona Kuugu Bushaareeyo.

Sergio Aguero ayaa dhowr qof oo kamid ah taageerayaasha naadiga Manchester City, riyooyinkooda run uga dhigay markii ay kooxdu hanatay horyaalkii 2012 oo uu goolkii ugu dambeeyey ee ay ku qaadeen lugtiisa ku dhalliyey, Talaabo tii lamid ah ayuu markale ku dhaqaaqay weeraryahanka reer Argentina.

Isagoo fulinaya Barnaamijka olalalaha ah ee naadigu taageerayaashiisa ku xoojinayo ee loogu magac daray ‘Mission Cityzen’, ciyaaryahan Aguero wuxuu amakaag ku riday mid kamid ah taageerayaasha City, kadib markii uu ku garaacay albaabka gurigiisa , isla markaana gudoon siiyey abaal marin in naadigu shaqo siiyey ah.

Aguaro oo Guriga la jooga Kenny

Aguaro oo Guriga la jooga Kenny

Guulaystahan nasiibka badan oo magaciisu yahay Lee John Kenny ayaa si diiran u soo dhaweeyey laacibka reer Argentine, kaas oo gacanta ka kaadhka galida shaqaalaha waaxda xidhiidhka Taageerayaasha.

Aguaro oo Guriga la jooga Kenny

Aguaro oo Guriga la jooga Kenny

Aguero oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi: ‘Taageerayaasha John oo kale la’aantood, Ma jirteen Manchester City.
‘Waa hal-bawlaha uu naadigu ku dhaq-dhaqaaqo, sababta aanu hawshan u gallayna waxay tahay inaan tusno inay laabta nagaga qoran yihiin. Aad baan ula dhacay markii aan arkay ururintiisa waxqabadkii city , khaas ahaa hormuudkii 1988 ee uu ururiyey xogtooda, sanadkaas oo ah kii aan dhashay.’

Guulaystaha amakaagu qabsaday ee Kenny oo isna ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa weedhihiisii: ‘Sergio Aguero wuxuu ku sigtay inuu noqdo qofkii ugu dambeeyey dunida ee ay idhahaygu qabtaan (waan dhiman gaadhay ayuu ula jeedaa) kamaan filayn inaan ku arki doono jaranjarada albaabkayga ama xaafada Stretford oo dhan !

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Maamulka Arsenal Oo Diyaariyey Lacag Badan Iyo Dibu-dhis Ballaadhan Oo Kooxda Lagu Samaynayo

Pogba: Manchester United Imay Ixtiraami Jirin

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com