Aguero Oo Diyaar U Ah Kulanka West Ham Ee Lagu Ogaanayo Cida Hanatay Horyaalka Ingiriiska

Tababaraha kooxda Manchester City, Pellegrini ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanada kooxdiisu ay u dhamaystiran yihiin, isla markaana aanu jirin cid kaga maqan dhaawac oo seegi doonta ciyaarta adag ee West Ham ay la ciyaarayaan maalinta Axada ee Barri ah.

Aguero oo xili ciyaareedkan u dhaliyay kooxdiisa 28 gool, ciyaaryahanada kooxdana gool dhallinta hogaanka u haya, ayaa u safan doona naadiga City , ciyaarta kala saaraysa cida qaadaysa horyaalka wadanka Ingiriiska ee Priemier League.

“Dhamaan ciyaaryahanada kooxdu waa diyaar, waxaanu nahay koox u baahan barbaro si aanu ugu guulaysano horyaalka. Aad ayay muhiim u tahay in dhamaan ciyaartoydaadu kuu caafimaad qabaan waxaanad dooran kartaa cidkasta oo aad doonayso.” ayuu yidhi Tababare Pellegrini.

“Waa ciyaar aad u muhiim ah waayo waa ciyaartii ugu danbaysay horyaalka, waa shaqadii xili ciyaareedka oo dhan, waxa ugu wanaagsan ee aan samayn karnaa waa inaan dib u soo celino wixii aan cili xiyaareedka oo dhan samayn jirnay. Aad ayay muhiim u tahay in tababaruhi is dajiyo waa inaanu isku diyaarinaa.’

Naadiga Manchester City ayaa ciyaartan uga baahan dhibic kaliya si ay ugu guulaysato horyaalka ingiriiska waxayna hadda u muuqataa inay arimuhu sidaas u dhacayaan , iyadoo sanadka oo dhan gurigeeda hal mar oo kaliya lagaga badiyay, Guuldaro soo gaadhaana waxay noqon doontaa Arin xiiso leh, isla markaana faa’iido weyn u leh kooxda Liverpool oo haddii ay iyadu badiso markaas kadib loo caleemo saari doono horyaalka Sanadka ee Ingiriiska.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
mourinho-chelsea-weeraryahano-ayay-la-soo-wareegaysaa

Mourinho: Chelsea Weeraryahano Ayay La Soo Wareegaysaa

Khabiirkii Ku Soo Daray Barcelona Xidigaha Messi Iyo Iniesta Oo Geeriyooday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com