Aguero Oo Tubta Guusha Ku Soo Dabaalay Kooxda Pellegrini + Sawiro

Sergio Aguero ayaa laba gool oo daran doori ah shabaqa ku hubsaday ciyaar naadiga Manchester City ku xasuuqay Stoke City 4-1 iyadoo lagu dhex bireeyey garoonkeeda Britannia Stadium Arbacadii.

Gool dhaliyaha reer Argentina ayaan garoon ka bixin isagoon gool ku dabaal deggin shan ciyaarood oo xidhiidh ah xili ciyaareedkan 2015 tan iyo maalintii uu ka soo kacay dhaawacii jilibka ahaa ee uu u jiifay – soo kabashadiisuna waxay khalkhal ka sii abuurtay garoonka caanka ah ee Britannia Stadium.

City ayaa iyaduna mudadaas sanadka cusub ah oo dhan bilaa guul ahayd, fursadaas oo u ogolaatay Chelsea inay dhaqaaqdo faraqa la saari la’yahay ee 7 da dhibcood ah, kooxda horyaalka difaacanaysana guushani waxay ahayd mid ka go’nayd.

James Milner ayaa nasiib u hellay inuu ciqaab kala baxsado City kadib markii goolkii hogaanka ee uu Aguaro u dhaliyey uu bareejo ku soo celiyey Peter Crouch.

Crouch ayaa barbar dhaca u dhaliyey kooxda martida loo ahaa kaas oo noqonayay goolkii 5 aad ee uu City ka dhaliyo intii uu ciyaaraha ku soo jiray shan daqiiqo uun kadib markii Aguero daqiiqadii 33 aad naadiga tababare Manual Pellegrini hogaanka u gacan galliyey kubad qurux badana ku aamusiiyey buuqii taageerayaasha gurigooda lagu sugnaa.

Laakiin, markii uu Milner ku guntaday ee dib hogaankii ciyaarta ugu soo dhiciyey Manchester City, Aguero ayaa shabaqa ku hubsaday goolkiisii 21 aad ee uu xili ciyaareedkan horyaalka ka dhaliyo ciyaarta 3-1 ka dhigay.

Samir Nasri ayaa isna gool aad u qurux badan ku afreeyey natiijada ciyaarta, dhamaadkiina waxay u dabaal deggayeen inay Chelsea cidhiidhi ku saareen hogaanka Horyaalka, iyadoo iyaduna dhaafi la’ayd oo ay ku adkaatay Everton , laakiin waxaa jawiga farxada lahaa demiyey goolkii uu The Blues dhamaadkii ciyaarta guusha ugu horseeday ciyaaryahan Willian oo ku nageeyey naadiga Stamford Bridge dhibcihii todobada ahaa ee ay hogaanka ku haysay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Van Gaal: Wuxuu Ahaa Qaab Ciyaareed Liita

Miranda Oo Ka Tegaya Atlético Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com