Akhri Warqad Dhiig Lagu Qoray Oo Tababare Rodgers U Diray Taageera Liverpool Ah Oo Awowgii Geeriyooday

Tababaraha kooxda Liverpool, Brendan Rodgers ayaa u diray dhambaal shaqsi ah oo ku maanrogaya, mid kamid ah taageerayaasha Liverpool oo Awowgii aabo geeriyoodey.

Rodgers wuxuu dhambaalkan tacsida ah u diray bishii hore ee January 26-keedii taageere magaciisa la yidhaahdo Joe Nelson kadib markii uu geeriyooday awowgii aabo oo sidoo kale isna ahaa Taageere reer Liverpool ah, haystana tigidhka lagu daawado dhamaan ciyaaraha kooxdaasi sanadka oo dhan yeelanayso, oo lagu magacaabi jiray, Roy.

Warqada tacsida ah oo uu ku saxeexnaa tababaraha Liverpool , waxaa nus dambeed ama qoraalka saxeexa ka hooseeya laga dhigay ‘You’ll Never Walk Alone’ -‘Gooni daaq ma waaro’ oo ah halku dhegga caanka ah ee kooxda dharka cas leh.Tacsi Rodgers u diray Roy warqada oo dhamaystiran

‘Waan ka xumahay inaan qoraal kuu soo diro adigoo xaalad murugo ah oo adag ku sugan,’ Ayuu Rodgers ku bilaabay qoraalkiisa.

‘Anigoo ku hadlaya magaca shaqsi kasta oo ka tirsan naadiga kubada cagta Liverpool, Agaasimeyaasha, ciyaaryahanada iyo shaqaalaha kaleba, Waxaan jeclahay inaan kuu soo dirno tacsi tiiraanyo leh, adiga iyo qoyskaagaba, anagoo kaa tacsiyeynayna geeridii ku timid Awowgaa aabo Roy.

‘Oo Soo ahaa taageerahayaga iyo mid haysta tikidhka sanadkii ciyaaraha lagu daawado sanado badan, Roy, waa mid kamid ah qoyska kooxda Liverpool waligiina wuu sii ahaan doonaa.

‘Iyadoo aanan la baajin karin geerida, laakiin waxaan doonayaa inaad ogaato inaanu si qoto dheer uga naxnay oo uga murugooney geerida idinku dhacday, idinla wadaagayno adiga iyo qoyskiinaba xiliga adag ee aad ku jirtaan.

‘Dareen dhab ah, Brendan Rodgers, tababaraha LFC Manager. You’ll Never Walk Alone.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Budhcad Jabsatay Guriga Di María Iyo Wixii Ka qabsaday

Odegaard Oo Lagu Daray Ciyaartooyada Real Ee Champions League ciyaari Doona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com