Al Khelaifi iyo Neymar Kulan Casho Ah Ku Yeeshay Brazil

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ayaa booqasho ugu tegay laacibka reer Brazil ee Neymar oo u jiifa dhaawac kuraanta ah oo sababtay in qalliin lagu sameeyo.

Nasser al Khelaifi iyo Neymar oo uu wehelinayo agaasimaha ciyaaraha PSG ee Henrique Antero ayaa kulan casho ah yeeshay kaddib markii uu maalqabeenka carbeed safar dheer u galay dalka ku yaalla xeebta koonfurta America.

Al Khelaifi iyo Antero ayaa shalay gaadhay magaalada Rio de Janeiro waxaanay markiiba u dhaqaaqeen dhinaca guriga Neymar oo ay ku wada casheeyeen iyadoo uu wehelinayo aabbaha dhalay Neymar oo sidoo kale ah wakiilkiisa. Intaa kaddib waxay booqdeen meelo ay ku ciyaaraan carruurta fuqarada ah ee dalka Brazil, halkaas oo ujeeddadu ahayd in la tuso maalqabeenka Carabka ah in uu ku maalgeliyo garoomo iyo waxyaabo kale.

Al Khelaifi waxa uu si gaar ah isha ula raacay horumarka uu sameeyey Neymar ee soo kabashada ah maadaama dhowaan lagu sameeyey qalliin, waxaana uu soo arkay calaamado muujinaya in uu dhowaan garoomada kusoo laaban doono.

Kulankan ayaa waxa uu meesha ka saaray warar suuqa ku jiray maalmihii ugu dambeeyey kuwaas oo sheegayay in Neymar uu doonayo inuu ka tago PSG oo uu dib ugu laabto Spain, gaar ahaan kooxda Real Madrid.