Alex Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Milan

Laacibka difaaca kooxda Paris Saint Garmain, Alex ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Milan iyo garoonka San siro , halkaas oo uu tijaabadii caafimaad ugu marayay Khamiistii kooxda Ac Milan oo la filayo inay heshiis ku kala saxeexdaan laacibkani kaga mid noqonayo saacadaha soo socda.

Difaacyahankan awooda badan ayaa laba sanno ku qaatay kooxda horyaalka Fransiiska ee PSG, kuwaas oo uu u saftay 70 kulan, una dhaliyey 6 gool.

Isagoo la hadlaya Telefishanka naadiga Milan , wax yar ka hor intii aanu tijaabada caafimaad marin , wuxuu Alex wuxuu yidhi .’ Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado.  wax kastaa waxay igu yihiin qaali, waxaan doonayaa inaan naadiga ku celiyo Champions League.”

Ciyaaryahan Alex , ayaa ugu wareegay kooxda PSG 2012 kii lacag dhan  €5 million oo uu kaga dhaqaaqay Chelsea oo ahayd kooxdii uu 2009 kii la qaaday FA Cup.