11:27 am - Friday June 23, 2017

Alexander Buttner Oo sheegay inay hiigsan doonaan ku guulaysiga horyaalka Yurub

Aidarous

alexander-buttnerDifaaca kooxda Manchester United Alexander Buttner, ayaa qiray in kooxdiisa Man. United ay haysato fursad wanaagsan oo ay ku hiigsan karaan semi final-ka tartanka koobka horyaallada Yurub ee Champions League, kadib markii xalay ay kooxdiisa barbardhac 1-1 ah la gashay kooxda difaacaneysa koobkan ee Bayern Munich.

Inkastoo, kooxda Man United laga wato hal gool oo faa’ido ah maadaama gurigooda lagula galay barbar dhac 1-1, haddana difaaca kooxda United ee Alexander Buttner, ayaa rumeysan in kooxda uu macaliinka u yahay David Moyes ay kalsooni wanaagsan qabto, isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqi ahaantiisa inuu ka hortago mid ka mid ah kooxaha loogu cabsi badan yahay qaarada yurub ee dhanka weerarka “Dabcan waan sameyn karna sidaas, had iyo jeerna waxaan aaminsannahay nafsadeena.” Ayuu yidhi  difaaca u dhashay xulka qaranka Holland u sheegay Sky Sports News.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Xidig Da’Yar Oo Reer BELGIAM Ah Oo Ay Ku Loolamayaan Kooxaha MAN UNITED Iyo CHELSEA

Sturridge:“Ciyaartoyda Liverpool waxay doonayaan inay horyaalka u qaadaan Steven Gerrard dartii”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: