12:10 pm - Tuesday May 30, 2017

Alexis Sanchez Oo Soo Xushay Kooxdiisii Riyadda -(Cristiano Ronaldo & Hal Laacib Arsenal Ah Oo Aan Ku Jirin)

Samatar Mohamed

Weerar yahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa soo xushay kooxdiisa Riyadda, waxyaabaha lama filaanka ka ah ee kooxdiisan ayaa waxaa ka mid ah inaanu ku jirin hal laacib oo ka tirsan xiddigaha kooxdiisa Gunners.

Alexis Sanchez ayaa sidoo kale shaxdiisa ka reebay Cristino Ronaldo, waxaana ku jira 3 laacib oo ka tirsan kooxdiisii hore ee Barcelona, kuwaas oo kala ah Lionel Messi, Puyol iyo Xavi, iyo sidoo kale Ronaldinho oo ka tirsanaa Barcelona inkasta oo aanay isku soo gaadhin.

Rugcadaayaashii kubadda cagta Maradona iyo Pele ayaa ku jira sidoo kale Ronaldo geesiga reer Brazil oo uu Sanchezz ku sheegay laacibkii ugu fiicnaa abid ayaa isna aan ka maqneyn kooxdiisan.

Difaacyaddii adkaa ee Roberto Carlos, Cafu, Maldini iyo goolhayihii caanka ahaa ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Bayern Munich Oliver Kahn ayaa sidoo kale shaxda ku jira.

Haddaba halkan hoose ka boggo shaxdan kooxda Riyadda Alexis Sanchez iyo 11-ka ciyaartoy ee uu soo xushay laacibkan reer Chile.

sport-preview-alexis-sanchez-ultimate-xi

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Maalinta Berrito Ku Dhawaaqi Doonta Xilliga Uu Qabsoomi Doono Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Qatar Oo Markii Labaad Lagu Qabanayo Kulanka Finalka Super Cup-ka Talyaaniga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com