Alonso: Nasiib Wacan Ayaan U Rajeynayaa Real Madrid, Waa In Ay Soo Baxdo

Real Madrid

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Xabi Alonso ayaa guul u rajeeyey kooxdiisii hore ee Real Madrid oo uu tilmaamay in uu caawa taageeri doono marka ay iska hor yimaaddaan Atletico Madrid.

Alonso oo uu telefishanka Canal+ weydiiyey kooxda uu taageeri doona marka ay caawa iska hor yimaaddaan Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa waxa uu ku jawaabay in Real Madrid ay xididdada jidhkiisa raacday oo aanay jirin si uu uga hadhaa.

“Real Madrid ayaa xididkayga ah ciyaarta derby-ga. Waxa aan u rajeynayaa in ay soo baxdo; nasiib wanaagsan ayaan u rajaynayaa kulanka caawa.” Sidaas ayuu yidhi Alonso.

Alonso waxa uu sheegay in Real Madrid ay haysato koox fiican oo uu isaguna shakhsiyan aad u jecel yahay, waxaanu yidhi: “Waxay haystaan koox aan aad u jecelahay, wax kasta oo aan uga soo joogayna wali waa sidoodii. Saaxiibo badan ayaan ku leeyahay halkaas.” Ayuu raaciyey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Yaa Maqnaan Doona, Yaa Ciyaari Doona Ciyaarta Madrid Derby?

Juventus Oo Markii 1 aad Tan iyo 2003-dii U Gudubtay Semi Finalka Champion-ka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com