Alonso Oo Seegaya Tartanka Baabuur Wadida Ee Australian Grand Prix

Dirawalka tartanka baabuurta ee naadiga McLaren, Fernando Alonso ayaa tallo caafimaad oo dhakhaatiirtu siiyeen darteed seegaya ama ka baaqanaya oo aan ka qayb galayn tartanka caanka ah ee Australian Grand Prix oo furmaya bishan aynu ku jirno ee March 15 keeda.fernando_alonso
Dhakhaatiirta naadigiisa ayaa kula talliyey, 33 jirkan reer Spain, oo shil gallay isagoo carbis ka qayb qaadanaya 22 kii bishii hore ee February, inaanu markale naftiisa khatar ku gallinin ka qayb gallka tartanka ka qabsoomaya magaalada Melbourne.
Alonso ayaa fariintan ku qaybiyey barta uu ku leeyahay Twitter: “Aad bay u adag tahay inaanan ka qayb galleyn tartanka Australia, laakiin waxaan qaatay talladii la i siiyey.”fernando_alonso 2
Dirawalkan labada jeer horyaalka caalamka noqday waxaa booskiisa buuxin doona, 22 jirka kale ee naadiga McLaren kaydka u ah ee Dane Kevin Magnussen.fernando_alonso 3

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cricket World Cup 2015: South Africa Oo Karbaashtay Ireland

Carlton Cole: West Ham weeraryahankeeda oo lagu ganaaxay Fariin uu qoray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com