3:03 pm - Tuesday August 23, 5796

Alves Oo Shaaciyey Inuu Ka Tegayo Barcelona

Abdiwahab Ahmed

Sannado badan ayay kubadda Barca ka dhisnayd baasha midig, waxaana mishiin orod badan ka ahaa Alves oo horseeday guulo badan oo ay kooxdu gaadhay. Sannado kadib, waxa ay da’diisu hadda taagan tahay 31 jir, waxaanu soo dhex taagnaa Camp Nou tan iyo sannadkii 2008, markaas oo uu kaga soo biiray Sevilla.
Dani Alves ayaa mar uu xalay warbaahinta u sheegay in mustaqbalkiisa kooxda Barcelona uu mugdi ku jiro, waxaanu sheegay inuu isaga tegi doono haddii aanay kooxdu isbedel samaynin.
“Way adag tahay in la helo fursad loogu ciyaaro Barcelona haddii ay dadku jecel yihiin iyo haddii kaleba, aniguna waxaan qayb ka ahay taariikhda kooxda” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigu waxaan u baahanahay awood, waa waxa i dhiirigeliya, waxaan ahay qof togan oo farxaan ah, waligayna sidaas ayaan ahaa, laakiin natiijada (kulamada Barca ee sannadkan) ma aha wax ay dadku filayeen, waxay u baahan yihiin qof ay ku qayliyaan, anigayna waa laygu qayliyey. Dhab ahaan waxaan aaminsanahay awoodda, awooddaas ayaanan ku noolaa, haddii aad bilowdaan awood nacayb ah waxba socon maayaan.
“Haddii aanay awooddaas nacaybka ahi isbeddelin, hubaal waan ka tegayaa waayo hoos ayay kuu dhigayaan. Haddii ay wax isbeddelaan oo kaliya ayaan joogayaa sannadkan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ramos Oo Qiray In Kooxdiisu Ka Samirtay Hanashada La Liga

Pepe Oo Laga Yaabo Inuu Seego Kulanka Final-ka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: