Amakaag :- Mourinho Oo Ciyaar Socota Soo Dhex Jubaaxay Ciyaaryahan Kubad Watana Iskaga Qaaday Oo Madaxa Dhulka Ugu Dhuftay

Tababaraha rasmiga ah ee kooxda Chelsea , Jose Mourinho , laakiin Axadii watay xulka xidigaha caalamka ee cuslaaday ka kooban ayaa garoonka iska soo dhex gallay oo kubada ku qabsaday , isla markaana xanaaqadeeyey ciyaaryahanka Olly Murs oo kubada isku dayaya inuu u jiido dhinaca kooxda Mourinho watay, kulan gargaar lagu ururinayay oo Maalintii Axadii ka dhacay garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United, kaas oo ay isku haleeleen  xul odayaal ah oo metelayay qaranka England iyo xul ka soo horjeeday oo isna hadhaaga xidigii kale ee caalamka loogu magac daray.

Muuqaalkan Daawo Sidii Wax u Dhaceen

 

article-2652270-1E95BE5D00000578-668_634x422 article-2652270-1E95F4C700000578-776_634x355 article-2652270-1E95CCAB00000578-389_634x416 article-2652270-1E95F50700000578-532_634x358Mourinho oo si fiican u daawanayay wacdaraha uu Murs ku dhigayay difaacyahanada kooxda uu watay ee xulka xidigaha caalamka ayaa intuu ka bogtay oo sugay inta kubada loo soo dhigayo , isla ilbidhiqsigii uu ciyaaryahan Olly is yidhi kubada maamulba , dhulka ugu tuuray oo si degdeg ah garoonka ku soo gallay, markii uu kubadii ka khasaariyey ee uu ninkiina dhulka ugu tuurey , isagoo qoslaya isaga noqday tarabuunka meel dhexdooda ku siman oo loo asteeyey in tababaraha iyo ciyaaryahanadiisu fadhiistaan.

Wacdarihii  MourinhoIn kasta oo ciyaartu ahayd mid qaadhaan loogu ururinayay hayada Unicef , oo ay isku haleeleen xidigo aduunka mar shidi jiray dhinaca kubada cagta laakiin hadda cuslaaday, hadana may u muuqan kulanku mid degen oo odayaal is dhawrayaa kuwada ciyaarayaan.

article-2652270-1E96035700000578-378_634x407 article-2652270-1E96039F00000578-576_634x439Ka sokow xanaaqada dhex martay Tababare Mourinho oo koox kamid ah labada naadi horjooge u ahaa iyo ciyaaryahan Olly Murs oo isagu weerarka uga ciyaarayay kooxda Jose ka soo horjeeda,  waxa kale oo dagaal ba’ani ku dhex maray Gegida Old Traffod ee ciyaartu ka socotay, daadihiyaha Barnaamij Tv- ka baxa oo lagu magacaabo Jonatahan Wilkes oo Isagu xulka England u ciyaarayay , iyo halyeygii hore ee qaranka Holland Edgar Davids oo ku jiray safta xulka xidigaha caalamka ayaa dagaal qadhaadhi ku dhex maray garoonka gudihiisa.

Guntii iyo Gunaanadkii kooxdii uu hogaaminayay Tababare Mourinho ayaa hantiday koobkii Lagu tartamayay

article-2652270-1E96923700000578-696_634x413 article-2652270-1E963F7A00000578-202_634x423

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

(Sawiro) Roob Dhagaxyaale Ah Oo Hakad Galliyey Ciyaartii Xulalka Belgium Iyo Tunisia

Sawiro – Xulka Ingiriiska Oo Brazil Ka Degay Iyo Amaanka Ciyaaryahanada Oo La Adkeeyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com