1:27 pm - Wednesday June 28, 2017

AMAKAAG: Xagguu ku nool Yahay ninkan sida weyn ugu eg Ronaldinho

Khadar Dirir

Dunidan aynu ku nool nahay waxaa ka buuxa dad suuraddoodu ilaa xad isku eg tahay misna aan waxba isku galin, dhiigna wadaagin kuna kala nool laba qaaradood, waxaana ka mid ah ninkan Indonesian-ka ah ee sida weyn ugu eg laacibka reer Brazil Ronaldinho. Ninkan ayaa lagu magacaabaa Ronaldinho waxaana uu ku nool yahay magaallo madaxda Indonesia ee Jakarta, waxaana sawirkan ugu dambeeyay ka soo qaaday laacibkii hore ee Talyaaniga Fabio Cannavaro oo Indonesia u jooga ciyaar ay ka qayb galayaan xiddigo hore oo waaweyn sida Rui Costa, Alessandro Nesta, Gattuso iyo Rivaldo.

Haddaba Cannavaro ayaa boggiisa Twitter-ka soo geliyay ninkan sida yaabka leh u shabaha Ronaldinho, waxaana ninkan uu isku soo shaac bixin doonaa Koobka Adduunka ee Brazil, halkaas oo uu haatanba ka sii kireystay Hotel-kii uu degi lahaa xilli ciyaaryahanka uu u eg yahay ee Ronaldinho Di Assis Moriera uu ka maqan yahay Liiska ciyaartoyda Brazil ee K/Adduunka.

Waxaa hubaal ah in dad badan oo reer Brazil ah ay ku wareeri doonaan ninkan u muuqaalka eg Ronaldinho kaasoo goob joog ka noqon doona ciyaaraha Koobka Adduunka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mulkiilaha Inter Milan Oo ka dhawaajiyey inuu heshiis la galay Bangi  si loo maal galiyo kooxda

Seedorf Oo La Caydhiyey Iyo Inzaghi Oo Loo Dhiibay Ac Milan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: