Ancelotti Oo Shaaciyey In James Iyo Isco Ay Wada Ciyaari Doonaan Iyo Bale Oo Fadhiyi Doona

Tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyey in ay kulanka Rayo Vallecano ee Arbacada, isla markaana uu fadhiyi doono Gareth Bale oo la sheegay in uu dhaawac fudud dareemayo.

Ancelotti ayaa waxa uu sheegay in Isco iyo James ay si fiican u wada ciyaari karayaan, iyagoo meelo badan oo garoonka ah u guur-guuri kara, horena u muujiyey sida ay u wada shaqayn karaan.

“Waxaan wada ciyaarsiin karyaaa Isco iyo James oo horeba u soo wada ciyaaray. Dood kama taagna labadan ciyaartoy, nasiibna waxa noo ah in aanu haysano labadooda. Waxay si buuxda uga ciyaari karaan meelo badan.” Sidaas ayuu yidhi Ancelotti.

Ancelotti waxa uu caddeeyey in Bale uu dhaawac fudud dareemayo isla markaana ay sugi doonaan sida ay xaaladdiisu noqoto illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee ay ciyaarta Arbacadu bilaabmi doonto.

Tababarahan Talyaaniga ahi waxa kale oo uu sheegay in kabtanka kooxdiisa ee Iker Casillas uu ciyaari doono kulankan maadaama uu fadhiyey ciyaartii Axaddii ay 9-1 ku garaaceen Granada. Sidoo kale, waxa uu sii sheegay in ciyaarta Sabtida ee kooxdiisu ay ku martigelin doonto garoonka Bernabeu naadiga Eibar in uu gool-haye Navas ciyaari doono oo kaydka la gelin doono Casillas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Juventus Oo u Gudubtay Finalka Italian Cup

Coutinho Oo sheegay In Rajada Kaliya Ee Liverpool ay tahay FA Cup

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com