3:03 pm - Monday August 23, 4697

Ancelotti Oo Sheegay In Bale Maqnaanayo Kulanka Osasuna, Soona Bandhigay Qorshaha Uu Ku Waajahayo Bayern

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa qiray in weeraryahanka lacagta badan ku jooga ee Gareth Bale uu seegi doono kulanka Sabtida ay la yeelan doonaan Osasuna.
Laacibkan reer Wales, ayaa waxa ku dhacay duray kaas oo sababay in kulankii Champions League eee ay kooxdiisu la yeelatay Bayern Munich uu daqiiqadihii ugu dambeeyay garoonka soo galo, waxaanu wali la halgamayaa inuu ka soo kabto xunuunkaas.
“Bale wali wuxuu dareemayaa xoogaa diciifnimo ah oo uu kaga tegay xannuunku” ayuu Ancelotti Jimcaha maanta ah ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Sabtida ayaanu go’aankayaga ugu dambeeya ka gadhi doonaa in uu ciyaarayo kulanka Osasuna iyo in kale, iyo in aanu u diyaarinno uun inuu soo laabto Salaasada”. Ayuu raaciyey.
Waxa jira warar kale oo farxad geliyey Ancelotti oo ka soo baxaya dhakhaatiirta kooxda Real Madrid oo ku saabsan xaaladda Cristiano Ronaldo, waxaanu tababaruhu caddeeyey in xaaladda xiddigani wanaagsan tahay oo uu ciyaari doono kulanka Osasuna.
“Cristiano si fiican ayuu u ciyaaray kulankii Bayern, wuxuuna u baahan yahay inuuu kulamo kale ciyaaro si uu ugu soo noqdo halkiisii hore, waanu ciyaari doonaa Sabtida” ayuu yidhi macallinka khabiirka ah ee reer Talyaani.
Tababare Ancelotti wuxuu qirtay in kooxdiisa dhiigga laga jaqay kulankii Bayern Munich, isla markaana ay ciyaartooyadiisu dareemayeen in awooddii jidheed ka dhamaatay, balse ay hadda dib isu xoogayn doonaan si kulamada oo dhan ay u guulaystaan. “Waxaanu doonaynaa inaanu soo kabanno oo aanu xaqiinino in aannu guulaysano kulamada oo dhan. Ciyaartii Bayern waxa nagaga baxay awood badan (energy), waxaannuse rajaynaynaa inuu diyaar u ahaanno kulanka Osasuna”
Inkasta oo uu Ancelotti qiray awood darro kooxdiisu muujisay kulankaas Bayern, haddana wuxuu wali ku adkaysanayaa in aanu isbedel weyn ku samayn doonin kooxdiisa kulanka hadhay, waxaanu yidhi “Isbeddel yar ayaanu samayn doonnaa, laakiin mid badan noqon maayo, waayo waa kulan muhiim noo ah”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sir Culus :- Codsi La Yaableh Oo Ay Xulalka Koobka Aduunka Ciyaarayaa Brazil U Gudbiyeen

Giggs Oo Isu Diyaarinaya Kulankiisii Ugu Horreeyey Ee Uu Tababare U Yahay Man United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: