10:13 am - Wednesday June 28, 2017

Ander Herrera Oo Mar Labaad Ku Gacan Say-dhay Manchester United

Aidarous

Kooxda Manchester United ayaa markale ku lugo’day isku day ay ku doonaysay inay ku soo xero galiso, daadihiyaha khadka dhexe u maareeya naadiga Athletic Bilbao ee Ander Herrera.

Sida ay qortay jariidada Mail Online, laacibkan 24 jirka ah ayaa ku nuux nuux saday inaanay jirin meel uu ku doorsanayo naadiga Atletic, isla markaana aanay marnaba ka heli doonin wax ogolaansho ah kooxda raadinaysa ee shayaadiinta dharka cas lihi:

” Hore ayaan u cadeeyey, Ma doonayo inaan ka tago Athletic, iyada ayaanan ku qanacsanahay. Koox weyn ayaanu haysanaa, waxaanan gallinay dedaalka iyo hawsha adag ee aanu ku soo gaadhnay heerka aanu maanta taaganahay. Halkan ayaan wax ka ahay. […] Ma doonayo inaan ka tago Athletic. Gurigaygu waa halkan aadna waan ugu faraxsanahay.’ ayuu yidhi Herrera.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa mar hore qortay in tababarihii laga eryay United ee David Moyes, isla markii uu kursiga soo fadhiistayba diiradiisii ugu horeysay ay qabatay Herrera , isagoo damacsanaa in qofka ugu horeeya ee uu heshiis la gallaa uu noqdo laacibkaas, balse saddex isku day oo uu dedaal ugu sameeyey sidii uu ku helli lahaana, dhamaantood ay noqon waayeen kuwo midho dhala.

Markii uu ka quustay helitaankiisa , tababare Moyes waa sababtii ku kaliftay inuu u jeesto oo heshiis la gallo ciyaaryahanka khadka dhexe ee ay kooxdu kala soo wareegtay naadiga Everton ee Marouane Fellaini.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ceebta Huursan Ee Chelsea : Mourinho Oo Wuxuu Doono Ku Yidhi Ciyaaryahanadiisa -Cole Oo Ilmo Kaga Baxay Garoonka & Salah iyo Tababaraha Oo Tii U Dambeysay Kala Maraya

Leicester City oo 10 sanno kadib ku soo noqotay Priemier League Iyo Damaashaadkii Gil-gilay magaaladaasi (Sawiro)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: