11:33 am - Friday June 23, 2017

Andrea Pirlo Oo daaha ka qaaday inuu ku dhow yahay heshiis muddo kordhin ah oo la galo kooxdiisa

Aidarous

 

Khabiirka khadka dhexe ee Juventus Andrea Pirlo ayaa daaha ka qaaday inuu ku dhow yahay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda reer Italy ee Juventus.

Halyayga reer Italy ayaa lala xidhiidhinayey inuu ka tagayo Bianconeri bilihii ugu dambeeyey, laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku adkeysanaya inuu diiradda saarayo sidii uu Juve u sii caawin lahaa sannadaha soo socdaa “Hadda waxaan ku dhow nahay inaan qandaraas cusub kala saxeexano aniga iyo Juventus.” Ayuu u sheegay Radio Dee Jay “Waxaan keliya oo aan sugeynaa waqtiga ku haboon inaan kulano oo aan wax walba go’aansano.”

Pirlo oo 35 sanno jir noqon doona bisha May ayaa la rajeynayaa inuu xulkiisa Azzurri kala qeybgalo Koobka Adduunka ee xagaagaan ka dhacaya dalka Brazil.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Honda: “Dhaliishu ima farxad galiso balse……”

Cagliari Oo Eriday Tababare Diego Lopez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: