Andrea Schurrle Kaalintee Ayuu Kaga Jiraa Xiddigaha Ugu Qaalisan Ee Ay Kooxaha Bundesligaha Jarmalku Soo Iibsadeen..?

Naadiga Wolfsburg wuxuu qaadatay go’aan geesinimo ku dheehan tahay, maadaama oo ay €32 million kula soo wareegtay Andrea Schurrle oo boos ka waayay kooxda Chelsea.

Xiddiga reer Jarmal marnaba wax-qabadkiisa ciyaareed shaki lama gelinin balse xilli ciyaareedkan wuxuu ku guul-darreystay inuu u hogaansamo nidaamka iyo falsafada uu Jose Mourinho ku maamulo ciyaaryahanadiisa.

Sidaas darteed wuxuu go’aansaday inuu dalkiisa hooyo dib ugu noqdoo waxaana lacag aad u badan ku iibsatay naadiga Wolfsburg.

Schurrle wuxuu noqday taariikh ahaan laacibka saddexaad ee ugu qaalisan ee ay abid kooxaha Bundesligaha Jarmalku soo iibsadaan.

hoos kaga boggo 5-ta laacib ee ugu qaalisan horyaalka Jarmalka taariikh ahaan:

  1. Mehdi Benatia – Roma to Bayern Munich – €28million
  2. Mario Gomez – Stuttgart to Bayern Munich – €30million
  3. Andre Schurrle – Chelsea to Wolfsburg – €32million
  4. Mario Gotze – Borussia Dortmund to Bayern Munich – €37million
  5. Javi Martinez – Athletic to Bayern Munich – €40million

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Live – Maalinta U Dambeysa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada

Juan Cuadrado Muxuu Ka Yidhi Ka Mid Noqoshada Kooxda Chelsea..?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com