Andy Murray ayaa noqday cayaartoygii ugu horreeyey ee British ah ee noqda cayaartoyga 1aad ee Tennis-ka dunida, tan iyo markii la billaabay sannadkii 1973 hanaanka uu kombiyuutarku kala horraysiiyo laacibiinta.

murray

Murray oo 29 jir ah, wuxuu u baahnaa oo kaliya inuu gaadho cayaarta kama dambayta ah ee tartanka Paris Masters, wuxuuna finalka gaardhay markii uu cayaartii semi finalka ka hor iskaga baxay Milos Raonic.

Murray wuxuu hore ugu guulaystay 3 koob oo waaweyn oo uu ku jiro Wimbledon laba billadood oo ah billadaha dahabka ee olombigga.

Isniinta ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay cayaartoyga 1aad, marka kala horraynta la shaaciyo.