10:29 am - Sunday June 25, 2017

Andy Murray oo uu dhulka jiiday ciyaaryahan kaalinta 90 aad dunida kaga jira

Abdiwahab Ahmed

Laacibka difaacanaya horyaalnimadda kubaddaTennista aduunka ee Andy Murray ayaa waxaa wacdaro iyo lama arag uu Kala lulmay wareegii koobaad ee tartanka Aegon Championships kadib markii uu cirka ula baxay ciyaaryahanka liiska awooda xiddigaha dunida kaga jira kaalinta 90 aad ee Jordan Thompson maalin lagu sifeeyey maalintii ammakaaga.
Xiddiga numberka koobaad dunida, waxaa lagu xasuuqay 7-6 (7-4) 6-2 oo uu kaga badiyey Thompson.
Waa markii ugu horeysay tan iyo sanadii 2012 kii, ee wiilka reer Britain ee Murray uu guuldaro kala kulmo, wareega koobaad ee naadiga Boqorada.
Ninka dufcadda kaalinta labaad ku jira ee Stan Wawrinka iyo ka dufcadda saddexaad ee Milos Raonic ayaa iyagana sida oo kale guuldaro la kulmay ciyaarahan wareega koobaad.
Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd wareegyadii oo dhan mid uu guuldaro uun xambaaranayay Murray, taas oo shiiqisay sawaxankii taageeeo ee uu ku haystay geggida qaadkeedu  10,000-yahay ee Centre Court.
“Waa dhabar jab weyn, xaqqiiqdii,” ayuu Murray yidhi.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Wakhtiga Uu Ronaldo Hortegi Doono Maxkamadda Oo La Shaaciyey

Isku Aadka Championshipka Ingiriiska Oo La Shaacey

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: