Angel Di Mari Oo Fariin U Diray Kooxdiisii Hore ee Real Madrid

Real Madrid ayaa ciyaar xiisa badan todobaadkan la qaadan doonta kooxda PSG wareega 16-ka ee Champions League Marca ayaa daabacaday in xidigii hore ee Los Blancos Di Maria kooxdaasi u sheegay in PSG ay ka adagtahay sanadkii hore.

Xili ciyaareedkii 2016/2017, ayaan ka go’i doonin quluubta jamaahiirta kooxda Paris Saint Germain kadib markii Barcelona ay kooxdaasi ka gaartay guul baal dahabi ah ka gashay tartanka Champions League waxaana kulankaasi la diwaan galiyay mid kamid soo laabashooyinkii ugu qurxoonaa ee tartankaasi ay koox ka sameyso.

“Waxaan ka adagnahay sida aan ahayn sanadkii hore xidiga Argentina ayaa sidaasi u sheegay warfidiyeenada kooxda Paris Saint Germain.

“Waxaad u baahantahay dhiira galin dheeraad ah marka aad ciyaareyso kulankan oo kale”

Real Madrid ayaa aad ula dhibtooneysa guul darooyin kooxdaasi soo gaaray xili ciyaareedkan marka la joogo Laliga waxaana guul ay Los Blancos ka soo gaarto PSG ay cadaadiska ka yareyn doontaa macalinka reer France ee Zidane oo aan la hubin mustaqbalkiisa Bernabue

Si kastaba ha’ahaatee Angel Di Maria ayaa sheegay in Real Madrid ay tahay koox aan la yareysan karin isla markaana qibrad dheer u leh sida loogu guuleysto Champions League maadaama ay tartankaasi kooxdan qaaday labadii sano ee la soo dhaafay.

Lugta hore ee wareega 16-ka ee Champions League ayaa arbacada lagu ciyaari doonaa Bernabue markaa oo kooxda PSG ay u soo safri doonto caasimada Spain ee Madrid.