Angel Di Maria Iyo van Gaal Oo Ku Sigtay In ay Gacan Isula tagaan

 

Mustaqbalka Angel Di Maria ee Manchester United ayaa mugdi galay kadib markii Axaddii ay faraha isula tegi gaadheen tababaraha kooxdaas Louis van Gaal markii ay dhamaatay ciyaartii Manchester ay 2-1 kaga badisay Liverpool.Di Maria vs Van gaal trouble

Van Gaal ayaan ku farxin bandhig ciyaareedka Di Maria ee qaybtii labaad oo uu beddel ku soo galay, waxaana sida ay sheegtay Manchester Evening News uu laacibka reer Argentina muran kala hor yimid tababarihiisa intii ay ku jireen qolka lebbiska ee ay uga diyaar garoobayeen in ay alaabtooda ka qaataan garoonka ay martida ku ahaayeen.
Sida ay sheegeen warbaahinta UK, Di Maria oo ah ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee ay Manchester United iibsato ayaa u muuqda in uu kooxda ka tegayo, iyadoo uu muddoyinkii u dambeeyey Van Gaal ku eedaynayey Di Maria in aanu si fiican ugu ciyaaraynin kooxda, waxaanu ka tuuray booska joogtada ah oo uu ka dhigay beddel-suge iyadoo uu ka door biday Ashley Young.

Inkasta oo uu Di Maria caawiyey goolkii labaad ee uu Juan Mata u dhaliyey Manchester United, haddana Van Gaal kuma faraxsanaya ciyaartoygan.

Van Gaal ayaa markii ay ciyaartaasi dhamaatay waxa uu warbaahinta u sheegay in kooxdiisu si liidata u ciyaartay qaybta dambe oo Liverpool casaan laga siiyey kabtankooda Steven Gerrard, waxaanu tilmaamay in si aan loo baahnayn ay kubaddu uga khasaaraysay ciyaartooyadiisa.
Sida uu warkani sheegay, Di Maria kalsooni kuma qabo kooxda Manchester United, waxaanu doonayaa in bisha June uu ka tago, waxaana si dhow ula socda xaaladda ciyaartoygan kooxo badan oo ay ugu horreyso Barcelona oo inkasta oo ay xayiraadi ka saaran tahay suuqa illaa sannadka 2016, haddana dooneysa in ay hesho ciyaartoygan.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Khedira: Way Igu Adkaan Doontaa Inaan Ka Tago Real Madrid

Garoonka Camp Nou Oo Margelin doona Faynalka Copa del Rey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com