“Anigu ma ahi Atoore iyo Is-tus ” – Benzema

BenzemaKarim Benzema ayaa ka jawaabay eedaymo loogu jeediyey bandhig ciyaareedkiisa, waxaanu sheegay in marka uu kubadda ciyaarayo aanu isturnimo ku darin taasina laga yaabo in ay keento in shaashadaha aad looga arki waayo.

“Waan qaataa dhalleecayntayda marka uu iisoo jeeedinayo shakhsi u ciyaari jiray kubadda si aniga iga fiican, laakiin ma qaato eedaynta haddii ay ka timaado qof aan kubadba ciyaarin. Arrinta oo dhan waxa ay ku saabsan tahay goolasha. Marka aad weeraryahan tahay, haddii aad si xun aad u ciyaarto goolse aad dhaliso jiri maayo qof ku dhalleeceeyaa” sidaa waxa yidhi Karim Benzema.

“Anigu ma ahi Atoore, umana ciyaaro si aan shaashadaha uga muuqdo. Waxa jira dad sidaas sameeya, aniguse waxa aan jecelahay in aan noloshayda ku farxo qof kastana aan la dhaqmo.” Ayuu raaciyey.

Benzema waxa uu sheegay in dadka qaarkood aanay jeclayn is-turnimada, waxaanu yidhi: “Waxa jira kuwo yidhaahda dadku kuma jecla, laakiin marka aan dariiqyada marayo, kuwa aanu kulanno haddii ay da’ yihiin, haddii ay yar yihiin, dumar yihiin, carruur yihiin, waxay iila hadlaan si saaxiibtinimo leh” ayuu raaciyey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pique: “Messi Kama Taliyo Halkan (Barca)”

Laacibkii weynaa ee Emerson Oo Talo Waayeelnimo siiyey Pogba

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com