Anthony Joshua: Deontay Wilder Oo Dagaal Iclaamiyey

Deontay Wilder ayaa iclaamiyey dagaal uu la gelayo feedhyahanka reer Britain ee Anthony Joshua kaddib markii uu wareeggii koowaad dhulka ugu tuutay Bermane Stiverne oo ciyaar feedh ah ay ku dhexmartay waddanka Maraykanka.

Wilder oo labada gacmoodba ka tuura feedh gantaal la moodo, ayaa si fudud u difaacday suunka feedhka miisaanka culus, waxaana uu kordhistay rikoodhkiisa guulaha isaga oo aan markaliya laga badinin sidii uu ugu biiray feedhka.

“Waan ogahay inaan dunida ugu wanaagsanahay. Ma i tijaabinaysaan?” sidaas ayuu yidhi Wilder oo ku guuleystay Feedhka miisaanka culus dagaal feedh ahaa oo Sabtidii dhex maray Stiverne oo si toos ah looga daawanayey shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.

Wilder oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inuu wakhti dheer sugayay in uu dagaal la galo Joshea, taasna uu wakhtigan iclaaminayo.

“Wakhti dheer ayaan sugayay, imikana waxaan ku dhowaaqayaa dagaal. Waan ogolahay inaan la halgamo” Sidaas ayuu yidhi Wilder.

Wilder oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa dhowaan diiday inuu la feedhtamo Dillian Whyte oo u dhashay Britain, kaas oo uu ku dooday in meeqaamkiisu hoos u dhacayo haddii uu la feedhtamo ciyaartoy ka hooseeya.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Celtic Oo Rikoodh U Dhigtay Guud Ahaan Britain

Rugby League World Cup 2017: Fiji vs Wales 72-6 Highlights

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com