3:16 pm - Wednesday January 20, 7988

Anthony Joshua & Joseph Parker: Heshiis Laga Gaadhayo Feedhka Sannadka

177 Viewed Abdiwahab Ahmed 0 respond

Feedhyahanka Ingiriiska ah ee Anthony Joshua iyo dhiggiisa reer New Zealand ee Joseph Parker ayaa u dhow inay heshiis ka gaadhaan qaabka ay u qaybsanayaan lacagta kasoo xerootaa kulan feedh ah oo ay u ballansan yihiin.

Anthony Joshua oo ay da’diisu tahay 28 jir, horena ugu guuleystay labada suun ee IBF iyo WBA ayaa waxa uu waajihi doonaa Parker oo haysta suunka feedhka adduunka ee WBO.

Wakiillo ka socda labada feedhyahan ayaa kulan ku yeelanaya magaalada London, halkaas oo ay kasoo saari doonaan heshiis ay ka gaadhayaan qaabka qaybsiga lacagta kasoo xerootay ciyaar feedh oo la sheegay in 31 March ay ka dhici doonto garoonka Principality ee magaalada Cardiff.

Anthony Joshua ayaa qaadan doona inta badan ee lacagta kasoo hoyata ciyaartaas feedhka ah, halka uu Parker qaadan doono 30 illaa 35 boqolkiiba, sida laga soo xigtay dadka ku dhow labadan ciyaartoy.

Anthony Joshua ayaa ciyaar laga daawanayay shabakadda Cadalool.com, waxa uu 29 October ku garaacay Carlos Takam, taas oo ka dhacday garoonka Principality, isla markaana uu ku difaacday suunka dahabka ah.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Klopp: “Waan Ku Qasbanaa Iibka Coutinho”

Bayern Munich Oo 14 Dhibcood Hoggaanka Ku Qabatay, Kaddib Ciyaar ay Ku Burburisay Bayer Leverkusen

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com