8:58 am - Monday May 29, 2017

Antoine Griezmann Oo Seegaya Ciyaarta Madrid derby

Abdiwahab Ahmed
Antoine Griezmann
Antoine Griezmann

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa seegi doona ciyaarta Madrid derby ee kooxaha Real Madrid & Atletico Madrid ee Sabtid.

Griezmann oo ka mid ah ciyaartooyada ugu muhiimsan ee Atletico ayaa ku guul-darraystay in uu caafimaadkiisu taam noqdo kaddib dhaawac ka gaadhay lugta ciyaartii xulka qarankiisa France uu guusha kaga gaadhay Sweden Jimcihii.

Griezmann wuxuu dhaawac ka qabaa lugta bidix laakiin dhakhaatiirta Atletico ayaa sawirro ay ka gaadheen waxay sheegeen in ay muujiyeen in aanu wax jabniin ah jirin, balse jug loo jiifi doono uu qabo.

25 jirkan oo kooxdiisa u dhaliyey 6 gool xili ciyaareedkan socda, ayaa muhiim u ah kooxdiisa ciyaarta Sabtida ee Atletico ay garoonkeeda Vicente Calderon u martigelin doonto Real Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa, taas oo ay ka dambayso lix dhibcood.

Griezmann oo ku laabtay Madrid si baadhitaan iyo daawayn loogu sameeyo, ayaa waxa kale oo uu ka qaday ciyaarta caawa xulka waddankiisu la ciyaarayo Ivory Coast.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Liverpool, Man City Iyo Chelsea Oo Ka Heshiiyey Qaybsiga Lacagta Diyaaradda Soo Qaadaysa Xiddigahooda Brazil

Markii Uu Dharka Ka Saaray Ciyaartoy Kale Ayaa Kaadh Cas La Siiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com