Are Chelsea Fans Racist? Taagereyaasha Chelsea Oo Gacanta Saaray Nin Madow magaalada Paris – Video

racist1

Taageereyaasha Chelsea ayaa xalay sameeyey fal cunsiyad ah kadib markii laga duubay iyaga oo gacanta ula tegay oo riix-riixaya isla markaana caayaya nin madow oo raacaya tareenka magaalada Paris ee Paris Metro, kaas oo ay gebi ahaanba u diideen in uu tareenka raaco.

Muuqaal daawasho ah oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxa uu muujiyey koox taageereyaal ah oo u diidaya nin madow ah in uu raaco tareenka iyaga oo ka xidhay waddada, isla markaana gacanta ula tegay kuna khasbay in uu dib uga noqdo tareenkii uu raaci lahaa.

Muuqaalka ayaa waxa uu muujinayaa taageereyaasha oo markii ay ninkaas u diideen in uu raaco ku qaylinaya: “Waxa aanu nahay cunsuriyiin, waxa aanu nahay cunsuriyiin, waana sida aanu jecel nahay”.

Afhayeen u hadlay Chelsea, ayaa warbaahinta u sheegay in dhaqanka noocaas ah uu yahay mid xaaraan ah oo aan meel ku lahayn kubadda cagta iyo bulshadaba, waxaanu tilmaamay in ay taageeri doonaan tallaabo kasta oo lagu ciqaabayo kuwii ku lug lahaa falkaas.

“Waanu taageeri doonaa tallaabo kasta oo ka dhan ah dembiileyaasha ku lug yeesha hab-dhaqankaas, haddii ay Chelsea aqoonsato shakhsigaas ama kooxdaas waxa uu naadigu ka qaadi doonaa tallaabo adag oo ay ku jirto in xayiraad laga saaro ciyaaraha” sidaas ayuu yidhi afhayeenka Chelsea.

Arrintan ayaa sumcad dhac ku ah Uefa iyo Chelsea laf ahaanteeda oo ay u ciyaaraan laacibiin badan oo madow aha

halkan ka daawo taageereyaasha oo qiranaya inay cunsuriyad sameeyeen

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldo Drunk: Xidhiidhka LFP Oo Ganaaxaya Barcelona Kadib Markii ay Taageereyaashu Sikhraan Ku Caayeen

Décima Found: Koobkii Champions Ee Laga Xaday Real Madrid Oo La helay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com