(Video) – Argentina 2-1 Bosnia-Herzegovina: Lionel Messi Oo La Bax-saday Xulkiisa

Kubad uu uga shaqeeyey sidii uu caanka ku ahaa, oo uu la dhex jubaaxay difaaca ayuu aakhirkii si xeel dheeri badani ku duugan tahay ugu ruxay goolka Lionel Messi, kaas oo ka caawiyey Argentina inay guul ka gaadho kulankeedii furitaanka koobka aduunka kuna garaacdo xulkaBosnia-Herzegovina 2-1 ciyaartii xallay ay isku haleeleen garoonka Maracana Stadium.

Goolka kale ee nasiib darada ku noqday xulka Bosnia-Herzegovina wuxuu ahaa, midkii uu lugtiisa isaga dhaliyey ciyaaryahanka Sead Kolasinac saddex daqiiqo oo kali ah markii ay ciyaartu socotay.

Wiilka bedelka ku soo gallay ee sitay Numberka 9 aad , Vedad Ibisevic ayaa soo celiyey rajadii Bosnia daqiiqadii 85 aad, kadib markii uu gool u soo beday , laakiin saacada ayaan ku simin inay ka labaadna keensadaan , waxaana sidaas saddexdii dhibcood kula tagtay Argentina.

Tababare Alejandro Sabella ayaa werwer badani ku furnaa, tan iyo daqiiqadii 65 aad , oo xulkiisu goolka Bosnia iska dhalisay oo kali ah ku hogaaminayay , ciyaartuna ku soo fool adkayd , laakiin goolka daqiiqadaas Messi u dhalliyey oo ahaa goolkiisii labaad ee Tartan koob aduun , kii horena uu dhaliyey koobkii aduunka ee 2006 dii , ayaa waranka Ka gooyey isaga iyo taageerayaasha xulkaba.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Maxaa Dhacay ! France &Honduras Oo Ciyaarta Gallay Iyagoo Aan Qaadin Heestii Astaanta Qaranka

Messi: Argentina Horumarka Wey Sii Kordhin Kartaa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com