Monaco Oo Emirates Ku Dumisay Arsenal + Sawiro

Kooxda Faransiiska ah ee Monaco ayaa ku karbaashtay oo dabada dhulka ugu dhufatay kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa garoonkeeda Emirates ee magaalada London, ciyaartii Is araga hore ee wareega 16 ka Horyaalka Naadiyada Yurub, Champions League.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates

Rajadii Gunners ee ahayd inay markii koobaad tan iyo sanadkii 2010 kii gaadho rubuc dhamaadka horyaalka Champion League ayay hadhaysay ceeryaan Madow kadib markii guuldaro lama filaan ah garoonkeeda ay Monaco kaga badisay 3-1.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 2
Arsenal markii lagu beegay Monaco, waxay filaysay inay meel fudud ku hagaagtay si dhib yarna u dul mari doonto, laakiin rajadaasi waxay soo afjarantay markii kooxda Tababare Wenger lafteedii qarka loo saaray inay ku hadhayso wareega 16 ka oo ay adag tahay siday uga gudubtaa.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 3
Gool uu qaybtii hore ee ciyaarta u dhaliyey Geoffrey Kondogbia ayaa kooxda martida ah u suurto galliyey inay hogaanka ku qabato nasashadiina u baxdo iyadoo fursadaas ku naaloonaysa.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 4
Markii qaybtii dambe la isugu soo noqdayna , weeraryahankii hore ee naadiga Tottenham, Dimitar Berbatov ayaa u labeeyey Arsenal cirkana ku sii laalay rajadeedii.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 5
Wallow ay wakhti dambe ahayd oo 90 kii daqiiqo lagu dhex jiray Alex Oxlade-Chamberlain ayaa Arsenal u soo celiyey gool aad u qurux badan ciyaartana 1-2 ka dhigay , waxase xaalku ku sii cakirmay daqiiqadihii lagu daray dhexdoodii markii weerar degdeg ah oo ay Monaco qaaday uu gool u bedelay ciyaaryahan Yannick Ferreira-Carrasco, ciyaartiina waxay ku dhamaatay 3-1 ay guusha kula hoyatay Monaco.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 6

Arsenal ayaa laga rabaa inay ku badiso ugu Yaraan 3-0 is araga dambe ee martida loo yahay naadiga Faransiiska ah, si ay meel uga hesho rubuc dhamaadka Champions League.Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 7 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 16 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 15 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 14 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 13 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 12 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 11 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 9 Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 8

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Daawo: Saadaasha kulanka Bayern Leverkusen vs Atletico Madrid

Bayer Leverkusen Oo Cashar U Dhigtay Atletico Madrid + Muuqaalo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com