1:29 pm - Wednesday June 28, 2017

Arsenal 3 – 1 West Ham : Gunners Oo Si Kumeel Gaadh Ah Kaalinta 4 aad U Fadhiisatay

Aidarous

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa 3 gool iyo gool kali ah kaga adkaatay kooxda West Ham United oo marti ugu ahayd garoonka Emirates ee woqooyiga magaalada London.

Gool uu shabaqa dhigay Matthew Jarvis ayaa kooxda West ham u dhiibay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 40 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin Lukas Podolsk ayaa Arsenal u dhalliyey goolka barbaraha intii aan la gaadhin dhamaadka qaybtii hore daqiiqadii 44 aad , waxaana lagu kala nastay 1-1.

Markii la isku soo noqday, weeraryahanka Olivier Giroud ayaa kooxda Wenger u dhiibay hogaanka ciyaartana ka dhigay 2-1 daqiiqadii 55 aad ka hor intii aanu Lukas Podolski goolkiisii labaad ee ciyaarta hogaanka ugu dheeraynin Arsenal, waxaanay guushu ku raacday The Gunners 3-1.

Naadiga Arsenal ayaa kaalinta afraad ku fadhiistay si ku meel gaadh ah , maadaama ay hal ciyaar dheer yihiin kooxda Everton oo dhibic kaliya ka dambeysa isla markaana ciyaarta baaqiga u ah rajo laga qabo inay guulaysan doonto.

England – Premier League – Table
# Team Name P W D L F A GD Pts
1 Liverpool 34 24 5 5 93 42 51 77
2 Chelsea 34 23 6 5 66 24 42 75
3 Manchester City 32 22 4 6 86 32 54 70
4 Arsenal 34 20 7 7 59 41 18 67
5 Everton 33 19 9 5 53 31 22 66
6 Tottenham Hotspur 34 18 6 10 48 48 0 60
7 Manchester United 33 17 6 10 56 38 18 57
8 Southampton 34 13 9 12 50 45 5 48
9 Newcastle United 34 14 4 16 38 52 -14 46
10 Stoke City 34 11 10 13 38 48 -10 43

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Prandelli: Waan xushay badi xidigihii aan la tagi lahaa koobka Adduunka

Liiska Kooxaha Mushaharka Ugu Badan Bixiya Iyo Naadiyada Kubada Gacanta Oo Ugu Sareeya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: