Arsenal iyo Cologne Oo La Ganaaxayo

Kooxaha kubadda cagta ee Cologne iyo Arsenal ayaa la kulmaya ganaax ay  ku mutaysanayaan hab-dhaqan anshaxa ka baxsan oo ay ku kaceen taageereyaashooda, kuwaas oo qas sameeyey intii aanay bilaabmin ciyaartii Europa League ee ku dhex-martay magaalada London.

Kooxda reer Germany ee Cologne ayaa lagu ridi doonaa afar ganaax oo kala duwan oo ay ku jiraan jamaahiirteeda oo qasay ka sameeyey jidadka London, dab ay ku shideen qaybta taageereyaasha Arsenal iyo inay xidheen dariiqyo dhan oo la mari lahaa.

Ciyaarta ayaa dib loo dhigay ugu yaraan saacad kaddib markii ay kumannaan taageereyaasha Cologne ka tirsan ay garoonka tegeen iyagoon haysanin tigidhkii ay ciyaarta ku daawan lahaayeen.

Illaa 20,000 taageereyaasha Cologne ah ayaa iska xaadiriyey garoonka hortiisa iyagoon wax tigidh ah haysanin, isla markaana ay UEFA u qorshaysay 2900 tigidh oo kaliya. Arrintan ayaa waxa baadhitaan ku samayn doona, guddida anshaxa ee UEFA, waxaanay go’aanka ganaaxa soo saari doonaan 21 September.

Waxyaabaha lagu ganaaxayo:

Cologne
  • Qas ay sameeyeen taageereyaashu
  • Dab ay ku shideen garoonka
  • Walxo ay tuureen.
  • Khasaare ay geysteen.
Arsenal
  • Jidad ay xidheen si taageereyaasha Cologne aanay uga gudbin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.