Arsenal Iyo Liverpool Oo War Farxad Leh Ka Helay Goolhayaha Atletico Madrid ee Oblak

Goolhayaha kooxda Atletico Madrid, Jan Oblak ayaa mugdi geliyey mustaqbalka sii joogistiisa garoonka Wand Metorpolitano oo uu muddo dheer udub-dhexaad ka ahaa.

Oblak oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanu ogeyn inuu xili ciyaareedka dambe xidhan doono funaanadda Atletico, go’aankuna isaga u yaallo.

Hadalkan ayaa waxa si diirran usoo dhoweeyey kooxaha Liverpool, Arsenal, PSG iyo Juventus oo in badan daba socday.

Oblak oo qandaraas soconaya illaa 2021 kula jira Los Rojiblancos ayaa waxa heshiiskiisa lagu burburin karaa 100 milyan oo Euro, hase yeeshee, haddii uu isagu go’aan ku gaadho in laga fasaxo garoonka, waxay Atletico ku khasbanaan doontaa inay lacag macquul ah kaga iibiso kooxaha doonaya.

Juventus ayaa hoggaanka u haysa naadiyada doonaya Jan Oblak, sababtoo ah, waxa Khamiistii shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha Gianluigi Buffon oo muddo 17 sannadood ah ahaa goolhayaha koowaad ee kooxda Talyaaniga ah, waxaana ay suuqa u geli doonaan inay helaan beddelkiisa. Bishii September ee sannadkii hore, Juventus waxay xidhiidho la samaysay Oblak, kuwaas oo ku dhamaaday fadhil.

Goolhayeyaasha kale ee Juventus indhaha ku hayso waxa ka mid ah Mattia Perin, Antonio Mirante, Andrea Consigli iyo. Federico Marchetti.

Dhinaca kale, kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo muddooyinkii dambe ka cabanayey goolhaye xumo ayaa iyaguna warkan soo dhoweeyey, waxaana ay isku diyaarinayaan inay la xidhiidhaan wakiilka Oblak.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa waxa uu in badan raadiyey goolhaye tayo leh, waxaana uu mar walba indhaha ku hayay Oblak, hase yeeshee, warar gudaha Liverpool laga helayo ayaa waxay tibaaxayaan inuu doonayo inuu dib ugu soo celiyo Anfield halgamaaga Pepe Reina oo ahaa ninkii gacantiisa ugu qaaday Champions League 12 sannadood ka hor.

Naadiga reer France ee PSG ayaa iyaguna xiisaynaya Oblak oo ay doonayaan in booska Aphonse Areola iyo Kevin Trapp uu kala baxo.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.